Waxaa goordhaw qarax xoogan oo laga maqlay qeybo badan oo kamid ah magaalada Muqdisho uu ka dhacay meel aad ugu dhaw xarumaha Wasaarada Amniga gudaha io Wasaarada Dhalinarada Isboortiga oo kutaala in u dhaxeysa Taalada Dal Jirka Dhasoon iyo Hotel Jubba . Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya waxa uu ahaa Qaraxan goordhaw dhacay, wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo ku qarxay afaafka hore maqaayad laga cunteeyo . Maqaayada la qarxiyay ayaa kutaala dhinaca Degmada Boondheere waxaana dhawaan laga furay halkaasi, waxaana wararka soo baxaya sheegayaan in maqaayada ay dad badan joogeen xiliga uu qaraxu ka dhacayay. Wali lama oga khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay qaraxan xoogan, waxaana goobta uu qaraxu ka dhacay gaaray cidamo katirsan Nabad sugida iyo booliiska kuwaa oo bilaabay baaritaano ku aadan qaraxan. |