Somaliya: Qarax Ismiidaamin ah oo goordhaw lagu weeraray Xero Ciidan oo kutaala Muqdisho

0
661

Waxaa goordhaw qarax xogan uu ka dhax dhacay xero ay ciidanka milatariga Soomaaliya ku leeyihiin Ex -Warshadii hore ee Nac naca ee Degmada Wadajir, waxaana qaraxan ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Warar horu dhac ah aan helnay ayaa sheegaya in qaraxu uu ahaa ismiidaamin uu fuliyay nin xirnaa dareeska ciidanka Milatariga , waxa uuna qaraxa ka dhacay gudaha xerada halkaas oo lagu tababaro ciidanka Milatariga.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in ninkan qarxay uu beegsday goob lagu tababarayay ciidanka Milatariga halka warar kalana sheegayaan in uu beegsaday goob ciidanka Milatariga lagu siinayay mushaar.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxan goordhaw ka dhacay Xerada Ciidanka Milatariga ku leeyihiin Warshadii hore ee Nac naca, waxaana gabi ahaan la xiray wadooyinka gala iyo kuwa kasoo baxa xeradaasi.