Waxaa goordhaw qarax gaari lagu soo xiray uu ka dhacay agagaarka xarunta Wasaaraha Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee magaalada Muqdisho, waxaana qaraxan lasoo sheegayaa in uu ahaa nuuca gaadiidka hoosta looga xiro.
Sida aan Wararka ku heleyno gaari uu watay sargaal la sheegay in uu katirsanaa ciidanka Nabad sugida ayaa ku qarxay meel ku dhaw xarunta Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, lamana oga khasaaraha rasmiga ah ee qaraxaasi ka dhashay.
Qaraxyada miino ee gaadiidka lagu soo xiro ayaa mudooyinkan kusoo kordhayay magaalada Muqdisho, waxaana inta badan qaraxyadan uu khasaaro gaarsiiyaa darawalka wada gaariga qaraxa hoosta looga soo xiro.