Muqdisho(Halsan):-Ugu yaraan 12 qof ayaa ku geeriyootay ku dhowaan labaatan kalena dhaawacyo ayaa ka soo gaadhay weerar ay ururka Al-shabaab saakay ku qaadeen Hotel saxafi ee magaalada Muqdisho.
Dadka qaraxaasi ku dhintay ayaa waxaa ka mid ah mulkiilihii Hoteelka C/rashiid Shirre Ilqeyte oo sidoo kale ahaa guddoomiyaha rugta ganacsiga gobolka Banaadir,Xildhibaan Abtidoon, abaanduulihii hore ee ciidamada xoogga dalka C/akriin Yuusuf Aaden dhagabadan,wariye Mustaf Shafaana oo ka tirsanaa Idaacadda shabeelle,iyo shan qof oo isugu jira mas’uuliyiin aan la shaacin magacyadooda iyo shacab.
Dadka dhaawacmay ayaa lagu soo warramayaa inuu ka mid yahay Gen Gacma Duule oo ka mid ahaa Saraakiisha Ciidamada Xoogga somaliya , xildhibaanno iyo Kaamiro Man ka tirsanaa wakaaladda wararka ee Rueters.
Ciidamada Nabad sugidda iyo kuwa gaashaan ee somaliya ayaa gudaha ugu jira hoteelka,xaaladda ayaa deggen,iyadoo la soo afjaray inta badan hawlgalkii ay halkaasi ka sameeyeen laamaha ammaanka waloow mararka qaar la maqlayo rasaas iyo qarax.
Halsan Media Group