Kooxo hubeesan oo watay gaari nuuca raaxada ah ayaa lagu soo waramayaa in goordhaw xaafada Siligi Ameerikaanka ee katirsan degmada Wadajir dil iyo dhaawac ugu geesteen labo wiil oo walaalo ahaa. Goob joogayaal ayaa ku waramay in rag hubeesan oo watay gaari nuuca raaxada ah ay weerareen labo wiil oo wada dhashay kuwaa oo goob garaash ah kala soo baxay gaari uu aabahood lahaa, waxaana dableyda ku fureen wiilashaasi rasaas xoogan. Maamulka Degmada Wadajir ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in weerarkaasi ka dhacay xaafada Siliga Ameerikaanka lagu dilay mid kamid ah labada wiil ee wada dhashay oo lagu kala magacaabi jiray Mustaf Maxamed Wehliye iyo Saney Maxamed Wehliye, mid kamid ah wiilashan ayaa waxaa soo gaaray dhaawac. Kooxihii hubeesnaa ee weerarkan ka dambeeyay ayaa ka baxsaday halka ay weerarka ka fulieen, walina lama oga waxa uu salka ku hayo dilkan, dhalinyaradan la dilay ayaana la sheegay in aysan wax lug ah ku laheyn siyaasada dalka. Dilalka qorsheesan ayaa u muuqda kuwa kusoo badanaya magaalada Muqdisho. kooxaha dilalka iyo qaraxyada ka geesta magaalada Muqdisho ayaa inta badan ka baxsada gacanta ciidamada amaanka dowlada Soomaaliya. |