Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Mudane Abdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) oo Shir Jaraa’id ku qabtay Xarunta Gurmad Qaran ayaa soo bandhigay Xogtii ugu dambeysay khasaaraha ka dhashay qaraxii ka dhacay Isgoyska Soobe ee Magaalada Muqdisho.
Wasiirka ayaa sheegay inay korortay Tirada dhimashada isagoona sheegay inay hada mareyso 281, halka dhaawaca ku dhawaad uu marayo 300, Wuxuuna sheegay in Dowlada Federaalka Soomaaliya ay bixisay lacag gaareysa Hal Milyan oo Dollar oo lagu caawinayo dadkii dhibaatada ka soo gaartay qaraxaasi.
Sidoo kale Wasiirka Warfaafinta ayaa sheegay in dowlada Qatar ay diyaarad u soo dirtay Magaalada Muqdisho, taas oo lagu qaaday Dhaawacyada culus qaarkood, iyadoo la geyn doono dalka Suudaan halkaas oo lagu daweyn doono, waxaana dhaqaalaha ku baxaya bixinaya dowlada Qatar.
Wasiirka ayaa sheegay iney jiraan dowlado kale oo gurmad u balan-qaaday shacabkii dhibaatadu soo gaartay kuwaasoo uu xusay iney saacadaha iyo maalmaha soo socda dalka soo gaarsiin doonaan.
Dowlada Soomaaliya ayaa dedaal xoogan ugu jirta sidii gurmad caalami ah loogu heli lahaa shacabkii waxyeeladu ka soo gaartay qaraxii Zoope oo ahaa musiibo culus oo Soomaalida ku habsatay.