Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ee dalka Somaliya ayaa sheegaya in dagaal xoogan oo u dhaxeeya Maleeshiyaad kala taabacsan Maamulada Puntland iyo Galmudug uu ka dhacay deegaano kuyaala Duleedka Gaalkacyo. Dagaalka ayaa u dhaxeeya Maleeshiyaad xoolo dhaqato ah oo kasoo kala jeeda Puntland iyo Galmudug, waxa ayna labada dhinac dagaalka u dhaxeeya isku adeegsanayeenhub culus iyo kuwa fudud. Sida aan Wararka ku heleyno dagaalka xoogiisa ayaa ka dhacay deegaanka Sarjamaale iyo deegaano kale oo ku dhaw dhaw, Maleeshiyaadka kasoo jeeda Koonfurta iyo Waqooyiga Gaalkacyo ayaa ku dagaalamaya dhul daaqsineed . Dagaalka ayaa lasoo sheegayaa in ay ka dhasheen khasaarooyin dhimasho iyo kuwa dhaawac, walina ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulada Puntland iyo Galmudug ay kasoo jeedaan maleeshiyaadka dagaalamay. Maleeshiyaadkan kasoo jeeda Koonfurta iyo Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa dhoor mar sidan oo kale horey ugu dagaalamay deegaanada miyiga, waxaana guul dareestay wadahadalo badan oo lagu doonayay in lagu dhameeyo colaadan soo noq noqotay. |