Waxaa goordhaw dagaal u dhaxeeyay Ciidamada xasilinta Xamar iyo ciidamo maleeshiyo beeleed ah uu ka dhacay Xaafado katirsan Degmooyinka Wadajir iyo Dharkeenley ee go bolka Banaadir. Sida aan Wararka ku heleyno dagaalka ayaa u dhaxeeya ciidamada Xasilinta oo howlgal ka waday Madiina iyo Ciidamo qaab maleeshiyo beeleed u hubeesan oo ku sugnaa xaafado katirsan Degmooyinka Wadajir iyo Dharkeenley. Dadka deegaanka ayaa ku waramaya in ay maqlayeen rasaas ay is dhaafsanayeen labada ciidan, walina lama oga khsaraaha ka dhashay dagaalkan ka bilowday Xaafada loo yaqaan Olombik ee kutaala xadka Degmooyinka Wadajir iyo Dharkeenley. Wararka soo baxaya ayaa sheegaya ciidamada Xasilinta gacanta ku dhigeen labo nin hubeesan oo midkood dhaawac ahaa, ragan la qabtay ayaana kamid ahaa ragii dagaalka kala hortagay ciidamada Xasilinta . Aaga dagaalka uu ka dhacay waxaa degan ciidamo beeleedna ku heesta Xildhibaan Yuusuf Kabaale oo katirsan Baarlamanaka Soomaaliya, lamana oga in dagaalkan ay ku lug lahaayeen ciidamada Xildhibaanka . |