Somaliya: Dad nool & Meydad hor leh oo laga soo saaray dhismayaasha dumay ee Agagaarka Zoope

0
647

Ugu yaraan afartan ruux oo u badnaa meydadka dad geeriyooday ayaa laga soo saaray dhismaha burburay ee hotelka Safari oo ku yaalay isgoyska Zoope ee magaalada Muqdisho.

Afar ka mid ah dadka laga soo saaray burburka ayaa nool, waxaana ka mid ah haweeney, iyagoo qabay dhaawacyo kala duwan mana awoodaan iney hadlaan.

Shaqaalaha gurmadka ayaa weli wada samata bixinta haddiiba ay jiraan dad nool oo weli ku hoos jira burburka daaraha dumay, iyadoo dadka soo saarayo ay u badan yihiin kuwo geeriyooday.

Boqolaal qof oo baadi goobaya eheladooda oo ka maqan ayaa weli dhooban agagaarka dhismeyayaasha burburay iyo Isbitaalada, waxaana jira meydadka gubtay oo la aqoonsan waayey.

Xaalad murugo iyo tiiraanyo badan ayaa laga dareemayaa guud ahaan magaalada Muqdisho, waxaana qaraxan uu noqday kii ugu saameynta badnaa ee magaalada ka dhaca taariikhda.

Warbaahinta dowlada ayaa joojisay suugaantii iyo barmaamijyadii maaweelada ahaa, waxaana lagu bedelay Quraan, wacdiyo diini ah iyo barmaamijyo ku saabsan mashaqada dhacday.

Talaabadan ayaa ka dambeysay ka dib markii Madaxweyne Farmaajo uu ku dhawaaqay baroordiiq sadex maalmood ah, isagoo amar ku bixiyey in calanka Jamhuuriyadda Somalia hoos loo dhigo si murugada loola qeybsado ehelada dadka ku dhintay weerarkii shalay.

Xildhibaano maanta booqday Isbitaalada la geeyey dhaawaca ayaa sheegay iney soo arkeen xaalad adag oo aan laga sheekeyn Karin, iyagoo xusay in isbitaalada digfeer iyo Madiina oo kaliya la geeyey dhaawacyo ka badan 200 oo qof iyo meydad kor u dhaafaya 100 qof oo intooda badan la garan waayey jirkooda oo gubtay awgeed.