Xarakada Al-Shabaab ayaa War rasmi ah kasoo saartay Nin dhowaan u gefay Nabi Muxamed NNKH kaasoo ku nool magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug. Sheekh C/qaadir Abuu Cadnaan oo ah gudoomiyaha Al-shabaab ugu magacaaban gobolka Mudug ayaa ka hadlay xukunka Ninka caayay Nabiga iyo waxa kala gudboon muslimiinta. “Ninkaas wuxuu Kitaabka alle ku xukumay dil,insha’allaah Ninkaas iyo madaxiisa iskuma oollayaan, Mujaahidiinta iyo Muslimiinta Ninkaas waxaa uga yaal inay madaxiisa kala gooyaan” ayuu yiri Abuu Cadnaan. Waxaa uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay Alle ugu dhawaadaan dilka Ninka aflagaadeeyay Nabi Muxamed ee ku sugan magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug “Dadka muslimiinta ah waa inaysan kaleexan oo ay dilaan haddii ay fursad ku helaan Ninkaas ” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Waaliga Mudug. |