SOMALILAND: Laba Midkee Ku Sifowdey muwaadin?

0
670

Hal-qabsi:

Qaran jabkuba halkuu ka yimid, qiiqa dami waayey,

Qodxaha Malaha meel kale, Qaar ka dayayaane,

Qol-qolada guryahaa lagala yimid Qaasinow qudhune….

 

Tixo ka mid ah Gabeygii QARAN-JAB ee Gabyaa: Moxamed C/raxmaan X. Jaamac-Lugooyo- 1998kii-AHUN-.

 

Marka aad dhugato oo aad ugu fiirsato DABEECADA wakhtigakandadkeenu ku jilo hab-nololeedka bulsho ooku nool nahey ummad ahaan, waxaad fahmeysaa in aynu si weyn oo aan tudhasho, taxadir, iyo tixgelin ka madhan oo KAS IYO MAAN AH aynu u qayireyno dabeecada iyo dhaqanka bulsho oo aynu ku sifowney qarniyaal inta iyo inta muddo aheyd? Sabab kasta oo raadeynta taban noqon karto, waxaa yaab iyo amagkaag kuugu filan sida aan kala hadhka iyo is-qabashada ka madhan oo ugu tafo-xeydaney in aynu ummad ahaan isu-doorino!

Haddaba, maqaalkan kooban waxaan ku gudbinayaa MAS’ALOOYIN MATAANO AH oo si weyn inoola deris ah!Waxaan akhristayaasha filayaa in ay ku kordhin karaan intan iyo ka badan oo saameyn iyo xidhiidh aan kala go’a laheyn aynu ugu ladhnodabeecadeena qofnimo si maalinle ah, toddobaadle ah, bille ah, iyo tan sannadlaha ah!

Sidaa darteed, waxaan ku soo koobayaa ku sinaan SODDOMEEYO MAS’ALO OO SI MATAANO AH ISLA MARKAA CAKIS ISU AH AAN UGU TIRAABAYO?Haddaba, akhristaha sharafta lahow, sida aynu u jecel nahey in dadnimadeenu ku sifowdo sida iyo sida la inooga bartey mid miisaaman oo tiirar adag ku aroorta, midkee KU SIFOWDEY adiga oo maanka ku haya cidhibta dambe ee Aakhiro iyo waxa aad la hortageyso Allaha weyn oo Adoomaha unahey iyo weliba maalinka aad dheelmato iyo xisaabta Qiyaamaha oo la inooga digay in aynu ka foojignaano hooga aan Alle inala jecleyn?

Aan hilaadiyee LABA MIDKEE aad tahey:

  1. Midka Gardaran Ama kan laga gardaran yahey.
  2. Midka Aayadaha iyo Axaadiista daliishada Ama kan loo daliishado.
  3. Midka Cadaalad darada sameeya Ama kan Cadaalada darada lagugeysto.
  4. Midka Xad gudba Ama kan lagu xad gudbo.
  5. Midka Eexda Ama kan laga eexdo.
  6. Midka Wax Dulmiya Ama kan la dulmiyo.
  7. Midka Xaasidka ah Ama kan la xaasido.
  8. Midka Xanta ay caado u tahey Ama kan la xanto.
  9. Midka Qaldan Ama kan qaladka laga galo.
  10. Midka Gefay Ama kan lagu gefo.
  11. Midka Dhibka Geysta Ama kan dhibka loo geysto.
  12. Midka Daneysta Ama kan lagu/laga daneysto.
  13. Midka Wax musuq-maasuqa Ama kan laga musuqo.
  14. Midka Sad-bursada Ama kan laga sad-bursado.
  15. Midka Qabsada Ama kan lagu qabsado.
  16. Midka Qabyaaladeeya Ama kan laga/loo qabyaaladeeyo.
  17. Midka Xulufeystaha ah Ama kan laga xulufeysto.
  18. Midka Wax Qadiya Ama kan la qadiyo.
  19. Midka Wax daadifeeya Ama kan la daadifeeyo.
  20. Midka Wax duudsiya Ama kan la duudsiyo.
  21. Midka Afmiishaareeya Ama kan loo Afmiishaareeyo.
  22. Midka Abaabulka iyo kicinta sameeyaAma kan gulufka la geliyo.
  23. Midka Baro-bagaandada abuura Ama kan la huluuqsiiyo.
  24. Midka Dhegaha dadka heysta Ama kan laga heysto.
  25. Midka Duufaanta kiciya Ama kan lagu kiciyo.
  26. Midka Xiisada abuura Ama kan lagu hafiyo.
  27. Midka Beenta sameeya Ama kan lagu affuufo.
  28. Midka Xintama Ama kan la xiniyo.
  29. Midka Cid ku maqan Ama kan lagu maqan yahey.
  30. Midka Wax-xumo tashiilka ah Ama kan loo gudbiyo.
  31. Midka Wax ceebeeya Ama kan la ceebeeyo.
  32. Midka Faana Ama kan loo faano.
  33. Midka Mano-sheegta Ama kan loo mano-sheegta.
  34. Midka Wax daadifeeya Ama kan la daadifeeyo.

Muddo dheer oo aan ka fekerayey sida xowligaah oo Hab-dhaqankeenu isu dhalan-rogayo, waxaa aan isu qanciyey qodobadanooFICLAN AAD INOOGU BADAN DABEECADA IYO CAADOOYIN CUSUB INAGU AH maanta qof qof, qeyb qeyb, koox koox, iyo heer qabiil qabiilintabaaad aynu u jilno oo ugu muraad fushano MAS’ALOOYINKAN MATAANAHA ISU AH.Waxaa muhiim ah in aynu ka fiirsano siqotodheer, mug iyo miisan leh habka afcaasha camaliyadeena u adeegsaneyno si nolosha loo daadihiyo wakthigakan? Waa in aynu dhinaca wanaaga isu baraarujino, guubaabino, wacyigelino, oo aan la qabatamin wax aan rasmi aheyn diin ahaan, dhaqan ahaan, iyo dabeecad ahaan intaba.

Gunaanad, waxaan kaga baxaya oo ku soo afmeerayaa qoraalkanin aynu u dhug yeelano FICILADAsida dedban iyo sidatan tooska ah raadeynta taban ugu leh isla markaa dhalan-gedis ugu filanDABCIGA IYO DHAQANKEENA BULSHO CAHDIGAKANoo majarahabowugu filan nolosha mustaqbalka oo ay adkaan doonto in laga soo doogo/kabto? Waa mid habow.lugooyo iyo hadimo ugu filan jidka horumarineed ee mustaqbalka iyo hiigsiga himilada fog!

Allaa mahad leh,

Qalinka:               Mustafe Suleymaan Cilmi,

                                Hargeysa, Somaliland.

 

Tel:                        00252 (0) 62 4137470

Email:                   mustafe72@gmail.com.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here