SOMALILAND WAY SOO DHAAFTAY XILLIGII QORIGA IYO QAB-QABLEYAASHA

0
667

Waxaan jeclaystay inaan ka hadlo waraysi uu dhawaan saxafadda siiyay Ibraahiin Dheg-weyne, kaasi oo aad moodaysay in Ibraahim uu bulshadda Somaliland soo xasuusinayo wakhtiyo hore dagaaladii sokeeye.

Haddaba, waxa uu Ibraahim Dhego-wayne hilmaamay in qarankani Somaliland uu maanta dhaafay xiligii Qab-qablaha dagaalka ee uu Ibraahim hor boodi jirey, kooxihii arxanlaaweyaasha ahaa ee ummadda Somaliland dhibaatadda ba’an soo mariyay, kuwaasi oo dad iyo duunyaba aan kala reebin. Iyagoo ummadda Somaliland Qabiil-qabiil isagga hor keenay iyaga oo dano siyaasadeed iyo mid shaqsiba ka leh.

Kuwaasi oo ah Niman uu ka mid yahay Ibraahim Dhega-weyne oo ku adeegta Magaca SNM ay Somaliland ka degi wayday sanadihii Sagaashamaadkii, kuwaasi oo isu qaybiyey magacyadda beello aan jirin si ay shacabka Somaliland indho-sarcaad ugu dhigaan. iyagoo dagaal gelinayay dad wax ma garato ah oo iska soo horjeeday. Kuwaasi oo aan ilaa maanta la garanaynin sababta ay isku dileen iyo ujeedadda ka danbaysay dhimashadda kumanaan kun oo qof iyo bur burka hanti fara badan.

Iyadoo quluubta shacabka Somaliland ay ku suntan tahay kooxaha arxan laaweyaasha ah iyo dhibaatada ay dadka u gaysteen ayaa waxa aad war baahinta ku arkaysaa, Niman ku guuldaraystay saaxadda siyaasadda iyo mida nooloshaba. Kuwaasi oo maalin kasta bulshada la dhex taagan qas iyo jahawareer ku lidi ah noolosha shacabkan imika uun ka soo doogay waxyeeladii ay gaadhsiiyeen Dhega-wayne iyo saaxiibadii. Kuwaasi oo ah boog shacabka Somaliland ku taalla, oo ay ka bogsadeen.

Haddaba, waxaanu Dhega-wayne tiradda ku darsan in la dhaafay xiligii dagaalka iyo qab-qabluhu ka shaqayn jiray dhulka Somaliland iyo shacabkiisa kuwaasi oo ka koray Hagardaamo danbe oo ay u maleegaan Dhega-wayne iyo kooxdiisu. Iyagoo in badan isku deyay y in ay dalka Somaliland dhibaato ka ridaan. laakiin ku guuleysan waayay taasi oo ay ugu danbaysay markii kooxda Dhego-wayne ay baaruurtooda kurka ka jareen Qoryana ku rakibaan magaladda Burco wakhtigii dawladii ina Rayaale. Markaas oo ciidanka Amaanku Gacan Adag ku Qabteen.

waxaan Dhega-wayne iyo Kooxdiisa u sheegaynaa in maanta Somaliland dhaaftay xiligaas oo ay leedahay Ciidan ku filan ilaalinta Amniga oo si casriya u tababaran iyo dhalinyaradii oo caqliga ka kortay, dhamaanba waxbarasho jaamacadeed u dareerta halka qaarkood ay soo dhamaysteen waxbarashadda jaamacadaha kala duwan.
Haddaba saaxiib Ibraahinoow, hanagu habsaamin waanu ka gudubnay wakhtigaas aad weli adigu taagan tahay. ALLAA mahad leh
Hagar Maxamed
Hargeysa