SOMALILAND WAXAY U BAAHAN TAHAY HOGGAAMIYE IIMAAN QABA!. W/Q. MAXAMED SIDDIIQ DHAMME.

0
803

Somaliland waa qaran soo koraaya, una baahan kobcin, korin iyo toosin . Jeeroon laga jirin hadimada haadaan baynu ka dhacaynaa hadh cad, waxa loo baahan yahay in lagu sabaaleeyo wadajir, midnimo iyo daacadnimo dawladnimada iyo qaranimada. Qof iyo qofyaal cidkastoo masuuliyaddi saarantahay hadaanay xilksnimo iyo xurmayn ku xeerin xilka himilada la gaadhi maayo, dawladnimadeena iyo qaranimadeenuna waxay u baahntahay danta gaarka ah oo laga hor mariyo danta guud si loo ballaysimo mustqabal si siman innoo saameeya oo ay u guulaysato sinaanta iyo caddaalada loo haraad qabaa.

Dawladnimo la majeerto oo laysku hallayn karo mustqabal aan la kala xigin ee loo simanyahay qof kastaana ku kalsoonan karo muwaaddinimada inuu ku helaayo xuquuqda dastuurku siiyay ayaynu u baahan nahay. Inanka aan adeerkii xil qaranka ka ahayn ee aanu ahayn wasiir ama suldaan af-miishaar oo shaqeeya aan lahayni maalinta uu aamino inuu aqoontiisa uu ku gaadhi karo mustaqabalkiisa ayaynu gaadhi karaa samaha iyo wanaaga Somaliland. Labbada arday ee fasal ka wada baxay inta ay adeeradood ay ku kala soormayaan ee midna loo sad burinaayo midna banaanka joogayo guuli waa weli, hogaamiyaha Somaliland doonaysaana waa hogaamiyihii dayrkaa jabin lahaa ee kalsoonida shacabka kasban lahaa.

Inta dheef laga raadinaayo maamulka iyo hogaanka dalka guul yaynaan filan, inta aan la dhaqaalaynayn ee la dheefsanaayo danta guud ee ummadda ka dhaxaysa dwladnimo tiir adag iyo mustqabal hirasho leh oo ay ku naaloodaan dhallin iyo waayeel dhul weynaha Somaliland dadka ku dhaqan haw fadhiyin. Waa hiif iyo haaran bulsho sii kala roorta waxa kaliya ee deeqi kara ummadu waa caddaalad iyo sinaan tisqaada oo ay hirgashaan madax dareen damqasho oo waddaniyadeed hagaayo.

Maanta markaad dheehato ficilada qaldan ee taagan iyo boobka loo baratamaayo hantida qaranka waa lafjab. Musuqa taagani waa xoolo urursi iyo xantoobsi duunyo xaaran oo ka dhaxaysa agoon iyo maati. Musuqmaasuqa xadhka goostay waxa marag  kaagu filan gawaadhida qurxoon, saraha la binaystay iyo baasaborada la samaystay. Waa wada dheef doono dhaqaalayn ummaddeed ma jirto cashuurta loo baratamaa oo loo kala horumaraa.  Waxa loo baahanyahay inaynu korno oo halkii sagaashamaadkii aynaan dib ugu noqon, dadaalka bulshadu wuu muuqdaa waxase weli kaalinteedi la tabayaa dawladnimada.

Maanta waxynu u baahannahay hogaamiye damqasho leh oo himiladiisu tahay taariikh inuu ka tago oo uu samata bixiyo ummaddiisa tabaalaysan ee ay ku xeeranyihiin duruufaha nololeed kala gedisan. hogaamiye daacada oo ummaddu u siman tahay oo aan kala soorin muwaadiniinta dastuurku mideeyay ayaynu u baahannahay, hogaamiye cashuurta weeleeye oo xafida kana dhawra xantoobsiga ayaynu u baahanahay, hogaamiye xor ka ah reerkiisa oo aan qoys ka tallo iyo maamul qaadan ayaynu u baahannahay, hogaamiye si dhaba uga fikira baahida taal dalka iyo sida baahiyaha jiraa ugu baahan yihiin in loo kala hormeeyo ayaynu baahannahay, hogaamiye aan xil jacayl ku jirin oo maalinta la gaadho xilli mudeedkiisa amaanada soo celiya ayaynu baahannahay, hogaamiye baylahdeena basriya oo bulshada kala quban isu urursha ayaynu u baahannahay, hogaamiye daacadnimo, xilkasnimo iyo amaano leh ayaynu u baahannahay.

 

Maanta looma baahna hogaamiye hantida ku tagrifala oo xoolaha maatida xalaashada, hogaamiye reerkooga isku xeera oo ummadda soo kala dhawaysta umma baahnin,  boobka hantida ummadda waa laysagu faana dunida asaageen qofku haddu saacad xaarana ka iibsado maalka ummada ka dhxeeya wuu is casilaa, innaga waa lagu abaaliyaa  oo in ay qoys yihiinbaba tidha maxaa kaayaga idin tusay ee kuwiin qarshay. Sannad hadaad xil ka qabto Somaliland hubaal guri cad io gaadhi waad helaysa hadaanad Illahay ka baqayn. waxan sidaa u leeyahay xisaabtan baan jirin qofkastaa halkuu soo gaadho wuu ka hirqanayaa waa hareera ka leef iyo subagaa suxulada da’aaya. Kolhadii hogaankasare shaqalah ummada uu u diray ilaalin waayo oo maalka ummada xil iska saari waayo waa boobaay oo beretamaay.

Wasiirka mushaharkiisa aynu naqaan ee aan ganacasi u furayn hanti iyo maalliyad aan lahayn ee aanay u foofin xoolo kale, shaqada uu hayaantahay xilkaa qaranka loogu dhiibay ee aynu ognahay musharkiisa iyo dhawrka milyan ee gunada ah siduu u dhisan karaa fiilo iyo fooq dabaqa ah? Musuq aan la qarin miyaanu ahayn marka masuulka sannad joogay wasaarad uu hantida intaa leeg dheefo cashuurta ma waxaynu u bixinaa in laynoogu shaqeeyo oo ay innaga dhaxayso mise in guryo laga binaysto oo baabuur laga iibsado xaaran ah.  Xaasha waxaynu u bixinna in caafimaadekeena, waxbarashadeena, aminigeena, nadaafada deegaankeena, biyaheena. Laydhkeena iyo baahiyaha bulshadeena lagu daboolo. Ninka quuta miyaanu caarcarayn oo car-caraafayn cashuurta ay ka haraadan tahay hooyada umushah ah ee ceelaayo iyo saylac ku haraadani.

Maanta sida seeska dawladnimadeenu yahay in wax badan laga bedelo ayaa loo baahnyahay oo aqoon iyo waaya aragnimo innoogu filan duruusta aynu ka barannay hogaamiyayaashi is xigaye dub laysu habeeyo. In masuuliyadda aynu u dhiibanno madaxda lagula xisaabtamo, in marka aynu dooranayno aynu eegno hogaamiyaheena amaanadiisa, akhlaaqdiisa, kartiidsa , daacadnimadiisa iyo in loo simanyahay oo uu yahay qof ka xora qabyaalad.

Badhaadhaha sareedada iyo barwaaqada Somaliland ee la raacdaynaayay sodoon ku dhawaadka gu’ waxa hirgelin kara hogaamiye aynu ku xulanay daacadnimo iyo aqoon, hirgelinmaayo hogaamiye aynu ku xulanay qoysnimo, qabyaalad iyo inaad isku jifo tihiin. Adeerka haddu sharaxan yahay oo uu ka daacadsanyahay muwaadin kale oo la tartamayaa kaas dooro, waayo muhiim maaha in adeerka kuu sad bursho oo manfaca masuuliyada qaranka uu u hayaa qoyskiinu dheefto, waxase gobonnimo ah in asaaga iyo muwaadiniinta cashurtoodu gaadho oo wax loogu qabto bulshada Somaliland.

 

Fashilka masuuliyiinteena waaka maanta baarlamankeenii ka dhigay mid aan ku shaqayn awoodi dastuurku siiyay iyo codkay innagu matalayeen ee looga arimiyo qasri kale, dhibta keentay taasina maaha awood sheegasho kale waa cashuurta afarta jeeb loogu shubaayo ee aan xeer iyo iimaan dabraa jirin. Lamaba qarshee warabaahinta waata aynu ka dheehanno iyadoo la qaybsanaayo hadana sidaa wax laga bedelin oo xaalka maanata la taaganyahay cid cayanaanisa iman waa nin waloowba Alla sug.

Hantida sidaa loogu tagrifalaayo ee qoloba qolo u hibaynyasaa miyaanay ahayn agoonta iyo maatida waleecaadaysa ee badhkood aan dab loo shidin toodi? Cashuurta layski laaluushaya miyaanay ahayn tay dhallinyaradii xaqa u lahayd ka tahriibayso ee hilbahoodii saxaraha wadhanyahay,  badhkoodna badduhu qabriga u yuhiin, badhkoodna niyad jabka maqaaxiyaha madluunsan yihiin. Hantida ummada in lagu hagaajiyo oo loogu fikiro halkaasa u baahan, in la qaybsado oo lagu fushado dana gaara waa xaaran iyo dhunkaal.

Masuuliyadii loo dhaarshay sinaantii iyo daacadnimadii kitaabka Alle midigta loo saaray mee?  Marka daarta hadhka qabaw la galo miyaan xeerba jirin miyaa la iimaan beelayaa, waa ayaandaro iyo aaya la’aan xaalka sidu yahay. Somaliland waxay u baahantahay madax samatabixisa oo adduun doon aan ahan ee taariikh doona oo shacabkoogu ku naaloodaan diwaanka taariikhdana baal dahaba ka gala oo la majeerto maanta iyo maalmo kale.

Af-hayeenka garabka dhallinyarada heer qaran ee xisbiga Waddani

 

Maxamed Siddiiq Dhamme