Somaliland Uma Baahna Madaxwayne Kaliya Inaynu Badelno!

0
276

Somaliland Uma Baahna Madaxwayne Kaliya Inaynu Badelno!

Reer Soomaalilandnow waxaynu joognaa wakhtigii aynu badali lahayn nidaamkeena dawladeed iyo haayadeheena dawladu  siday  u shaqeeyaan iyo inaynu dhamaystirno Dastuurkeena qabyadaa, waana xiligii aynu ka gudbi lahayn isjiid jiid, qabiil, qudhun iyo dib u socod. Waana inay ka fikirnaa mustaqbalka dadkeena iyo dalkeena ee mustaqbalka dhaw iyo ka fogba ooynu u tashanaa danteena iyo aayeheena guud, oo aynu ka kornaa reer hebel iyo shaqsiyaad danayste ah oon qaran iyo qabiil midna naf u hayn, kaas uu ku qadhaabta ama ku Awr kacsatada shaadh qabiil, maalintaa awrka loo kiciyana aan dib usoo eegin reerkii ama qabiilkii iyo deegaankii uu kasoo jeeday.

 

Maanta, Somali Land uma baahna madax Waynaha kaliya in la,badelo, oo aynu Madax wayne cusub kolba doorano ee waxaynu u baahanahay inaynu bedelno nidaamkeena dawladeed ee fadhiidka ah, ee  aynu 32ka sano wax isbedel ah ama horumar nidaam dawladeed lahayn. Sida (1) Hayaadaha iyo xafiisyada dawlada (2) Hayaadaha Garsoorka kala duwan. (3) Golaha sharci dajinta. (4) Haayadaha amniga kala duwan. (5)Maamulka Dawladaha hoose.

Haayadaha Dawlada

sidaynu wada ognahay, haayadaha dawladu uma shaqeeyan ugumana adeegaan bulshada sidii laga rabay ama ay ahayd ina ay u shaqeeyan. Kuwaas oo hayad walba u shaqayso siday rabto, lana shaqaysa ciday rabto. Taas oo ayna jirin xitaa wada shaqayn toosa ooy bulshada ugu adeegaan, tusaale ahaan,  haddii haayadi kugu  qorto warqad haayad kale si ay kugu fuliso hawshaa ama baahidaa aad haayadan ugu timid, hawshaa dhamays tirkeeda oo ku xidhan haayadu kala duwan,  taas oo bulshada inta badan cawaaqib ku noqota oo masuuliyiinta haayada  warqada loosoo qoray ula tageen ay meer meeriyaan ama intay warqada ka qaadaan ay hoosta iska dhigaan. Taas oo inta badan dadka ku kalifta inay raadsadaan qof ehel, qaraabo ama asxaab ah oo haayadan masuuliyiinteeda ay dantu kaga xidhan tahay cid ka garanaya ama asxaabtinimo ama qaraabo iyo wuxuun wadaagaan si,uu uga soo dhameeyo hawsha kaga xidhan, Sababtoo ah nidaamkii caadiga ahaa ee muwaadinku xaqa ulahaa in wax loogu qabto ayaa meesha ka maqan oo maamulka haayaduna sharci ama wax ka awood sareeya ooy ka baqanayso ayaan ka danbayn.

Haayadaha Garsoorka.

Haayadaha garsoorka dalku waxay u baahan yihiin in nidaamka garsoorka wax laga belelo oo la siiyo awood buuxda ooy kula xisaabtami karaan, xukuna ku ridi karaan kuna xidhi karaan shaqsi kasta oo sharciga  ku xad gudba awoodu doono ha lahaadee. Loona sinaado sharciga Madax wayne ilaa shicib oo si siman loola dhaqmi karo loona marin karo sharciga.

Waxa kale ooy u baahan yihiin in wax laga badelo qaabka loomariyo qarnaqa iyo xukunka, qaabkaas oo ah qaab aad u jiita, qaatana wakhti dheer iyo darajooyin farabadan oo aad xitaa ku arkayso qaaabab aan nidaamka garsoorka ku haboonayn oo marka qof xukun ku dhaco halkuu nidaamku u ogolaan lahaa Rafcaan qaadasho Maxkamada Rafcaanka ah iyo Rafcaan Maxkamada Sare ah oo kaliya, ayaa waxa hada jira wax loogu yeedho (duritaan iyo dib u eegid) oo lagu macneeyey Garsooraha ama Garsoorayaasha ayaan diidnay xukunka uu nagu riday ama nagu rideen, oo inta Garsoore kale ama Garaoore yaal kale lagu qoro kiiska hadana dib kow looga soo bilaabayo dacwadii aad mudada badan kusoo jirtay ee wakhti iyo maalba kaaga lumay, markaasaa hadana xukunka danbe markuu dhaco ayaa  lagaa qaadanayaa waxa loogu yeedhay ( dib u eegid), oo iyadana lagu macneeyey xukunkan laguu xukumay ama lagugu xukumay ayaa dib Garsooreyaal kale dib u eegayaan in xukun lagugu xukumay ama laguu xukumay si cadaalad ah loo xukumay oo xukunkii hadana kow dib looga soo bilaabayaa oo intii jaranjaro eed soo martay dib loosoo marinayaa dacwadii oo hadana wakhti dheer oo kale, kharash iyo hawl kale kaa galaysaa oo laga yaabaa wakhtigii dheera eed soo martay kani kaaga wakhti dheerado. Darajooyinkaa Maxkamada iyo jaran jarooyinkaa lasoo marayo oo inta badan wakhti  aad u dheer oo dhawr sanaa ama sanadood qaata, intaas markaad kasoo dhamaato hadana wax Fulin layidhaa dib Maxkamada Gobolka laguugu soo dirayo oo iyana  kow ka bilaamanaysa oo wakhtigeeda iyo hawsheeda leh, oo iyaduna kusii gudbinaysa haday Fulin dhul iyo wax tahay Wasaarada Arrimaha Gudaha, Taliska Guud  ee Booliska, Booliska Qaybta dhulku ku yaal iyo Dawlada hoose oo iyaguna midwalba hawshooda iyo wakhtigooda leeyahay oo dadka qaar dhawr iyo toban  sano iyo 20tan sano ku qaadata in loo fuliyo ama aan loo fulin oo qofkii sanadada badan dacwadaha kusoo jiray ee islahaa the haday kaa dhamaatay hawshii oo hantidaadii ayaad helaysaa halkaa ku hungoobo kuna niyad jabo marka uu wixii uu dhibtaas dheer usoo maray heli waayo ama dhawr sano oo danbe maalinba Taliska booliska iyo Dawlada hoose ku kalaho waxna usoo qabsoomi waayo. waxa kale ooynu  ognahay ama baraha bulshada ka maqalna ama daawanaa  iyadoo  bulshadu badanaa ka cabato Garsoorka,  cabashooyinkaa oo khalad iyo saxba leh sababtuna tahay dadkii is hayey ee Maxkamaduhu wax ukala xukumeen oon si cad kii wax dulminayey sharciga loo marin loona ciqaabin oo aan sharcigii ka baqayn iskuna haysta inuu wuxuu doono samayn karo,  kaas oo og inuu kolba shaadh soo gashan karo oo uu cadaalad daro wax ku helayo taas oo qaar badan ama isagaba hore ugu suurto gashay oo dulmanihii hadana sharciga lagu sii dulmiyey.

Haayadaha Amaanka.

Haayadaha amaanka iyagana in badan waynu maqalnaa in bulshadu ka cabanayso, cabashadaas oo ah mid ay sababtay muwaadinkii oo cadaalad daro iyo awood sheegasho uu muwaadinku tirsanayo.

Taasna waxa sabab u ah dhawr shay ooy ka mid yihiin  kow, inaanu jirin haayad iyaga daba gasha oo baadha danbiyada ay galaan kuna xukunta oo ku ciqaabta haddii lagu helo falal danbiyeedka lagu soo eedeyey iyo qodobka labaad oo ah aqoon daro ka haysta shaqdiisa iyo xaqa uu ku leeyahay muwaadinku iyo qaabkii uu ula hadli laha ulana dhaqmi lahaa qofka shicibkaa, qaababkaas iyo xuquuqaha oon badankooda lasoo barinba oo qaabka ciidamadeena loosoo qori jiray ama loosoo qaramayn jiray ay ahayd qaab qori ma sidataa ama qori soo qaado uun ahayd, qaabkaas oo hada u baahan in ciidamadii qaabkaas oo dhan lagu qoray ciidanka hada dib kuliyada ciidamada loo geeyo kolba koox oo lasoo baro sharciga, anxasha, xuquuqda shicibka iyo xuquuqdooba oo dib loo soo dhiso aqoontooda ciidanimo, lana dhiso noloshooda, nolosha caruurtooda si ay u helaan nolol fiican iyaga iyo caruurtooduba waayo hada waynu wada ognahay noloshooda iyo nolosha caruurahoodu heerka ay tahay iyo nolosha ay ku nool yihiin. Waxayna inaga mudan yihiin inaynu nolosha ciidamadeena hadh iyo habeenba heeganka inoo ah ay helaan nolol wanaagsan oo heer sare ah oo baahiyahooda daruurigaa kaafaysa halka ay hada helaan waxaan reer iyo caruur daaye iyagaba aan noloshoodii kaafaynayn. Waxa kale ooy u baahan yihiin in si fiican loo qalabeeyo oo adeega nin askari ah ku adeego oo dhan helo. Marka qofka ciidanka ah aqoontiisa lasoo dhiso lana soo baro shuruucda, xuquuqda muwaadinka mid maxbusa iyo mid aan ahaynba, xuuqdiisa shaqsi ee gaarka ah, waxa ka reeban iyo waxa sharcigu u ogol yahay inuu kula dhaqmo bulshada ama ugu adeego bulshada og yahana in hadii uu xad gudub sameeyo in sharciga la marindoono ma samayn doono wax tacadi ama xad gudub ah. Waxayna xaq inoogu leeyihiin cidaamada iyo Garsoorayaashuba inay helaan mushaharka Xildhibaanada aan waxba bulshada iyo dalkaba u qaban iska kordhistaan marwalba iskana qaataan inay iyagu qaataan iyagaa amniga bulshada,  dalka iyo cadaaladaba ilaaliyee.

Haayada Sharci Dajinta

Haayadii sharci dajinta ee shaqadoodu ahayd sharci dajinta, sixida, dabagalka iyo la xisaabtanka haayadaha dawlada iyo masuuliyiintooda, waynu aragnaa siday  noqdeen ama u shaqeeyan Xildhibaanadii cusbaa eeynu dooranay. Kuwaas oo aynu rajo fiican ka qabnay, isna lahayn waxbay ka badali doonan golaha wakhiilada oo waxay ogyihiin 20kii sano ee lasoo dhaafay siduu ahaa golaha Wakiiladu iyo baahida loo qabo wax ka badelka nidaamkay u  shaqeeyaan  baarlamaankeenu iyo dhamaystirka Dastuurka qabyadaa eey ku ololayn jireen markii ay musharixiinta ahaayeen.

Waxa muhiim ah inaynu ogaano isna waydiino  hadaynu bulshada nahay halkay wax ka khaldan yihiin, maxaa inoo qabsoomay 32 sano, maxay ahayd inaynu samayno 32kaas sano, maxaa dib inoo dhigay, maxaa inaga khaldan, maxay tahay inaynu badelno, maxaynu qabiil ku helnay, maxaynu qabiil ku faa,idnay, maxaynu qabiil ama nin reerka ku qadhaabta ka helnay, waxaynu xaq ugu leenahay xukuumada, waxa dalkeenu xaq inoogu leeyahay, maxay tahay dawladnimo, waa maxay qaranimo.

Somali Land cidna uuma maqna ceelna uuma qodna. Hadaynaan inagu isbedel samayn dalkeenana nidaamkeena dawladeed  aynaan dhisan cidna inoo dhisi mayso. Hadaynaan isbedelka maanta samayna cidi inoo samayn mayso ee inaga uun inay hawshaasi ina sugayso ogaada reer Somali landnoow.

QALINKII; ABU SAKI AXMED;