London(Halsan): -Degmada Tower Hamlets oo ka tirsan magaalada London ee dalka Ingiriiska, ayaa la filayaa in Arbacada bari ah la horgeeyo mooshin ku saabsan aqoonsiga Somaliland. Mooshinka oo ay wado xildhibaan Aamina Nirig oo golahaasi ka tirsan, waxaa lagu rajo weyn yahay in goluhu si aqlabiyad ah u meel mariyo, islamarkaana aqoonsado Somaliland.
Waxaa la filayaa in kulankaasi ay qayb ka noqdaan xubno ka tirsan dawladda Somaliland, iyadoo sidoo kalena la qorsheeyay in Khamiista la qabto dabaal deg arrintaasi lagu weynaynayo oo ay ka qayb qaadanayaan dadweynaha degmadaasi ee reer Somaliland iyo guud ahaan kuwa London oo kala qayb galaya.
Inkasta oo aanay jirin awood ama sharciyad aqoonsi oo ay Somaliland u soo kordhinayaan aqoonsiyada degmadan iyo kuwii ka horeeyay, haddana waxay ku suntan tahay dadaal ay sameeyeen bulshada Somaliland ee carriga Ingiriiska oo kaashanaya mudaneyaasha goleyaasha degaannadaasi oo ay doorteen ama dooranayaan. waxaana suuro gal ah in aqbaliyadda qaddiyadda Somaliland ee deggaannada Ingiriisku horseedi karto inay qaddiyadda Somaliland ogolaansho balaadhan ka hesho bulshada Ingiriiska.
Bulshada Somaliland ayaa u heellan rajana ka qaba inay mar uun arkaan qaranka Somaliland oo qayb ka ah bulshada caalamka, kana hela aqoonsi rasmi ah, waxaana bulshada qurbejoogta ah ee Somaliland isku hawlaan sidii ay qaddiyadda dalkooda uga dhaadhicin lahaayeen dawladdaha iyo bulshooyinka ay la nool yihiin.
Source-Geeska