Hal-qabsi:
Inta nabar aan qabo,
midna aniga oon dhayin,
Miyaan haddal ku dhaafaa..
Tix ka mid ah Maansadii Dhayalsi ee Muj. A. X. Warsame-Jiiniyas-1984kii.
Somaliland, waxaa caado noqotey mushkilado si kedis u dhaca misna abuura mashquul QARAN oo daal iyo tacab adag lagala kulmo! Inta badan waxaa sababa arrimaas kooxo si hoose u odorrasa hindisahooda oo dano gaar ah salka ku haya balse aynu ogaano marka iyo marka ay dhagareeyaan qorshayaashooda sida midatan SAHAYATEY Taliy Caseyr; taliyhii qeybta booliska gobolka Saaxil-AHUN-.
Run weeye in mashaqada ay ku lamaaneyd dhagarta dilka Taliye Marxuum Cabdiraaz Yusuf Maxamuud (Caseyr) aaney aheyn mida ugu horeysey oo aynu la kulano ummad ahaan! Waxaa jira qaar hore oo aynu si weyn u wada xasuusan karno balse si ku meel-gaadh ah loo xaliyey kana dhigan mill xaga sare laga dhayey!
Si kasta ha ahaatee, waxaa is weydiin mudan: Maxaa aynu ka baran karnaa dhamaantood gaar ahaan Dhagartan u dambeysey oo sahayatey taliye marxuum Caseyr?
Waxaan qabaa in arrimaha hoos ku xusan ay lama huraan tahey in aynu xalkooda helno oo si dowladnimo leh loo sameeyo qoryashayaal soo af-meeraya dhamaan kuwakan iyo wixii la sifo ah oo soo noq-noqdey ee mustaqbalka lagu dhiiran karo:
Baahsanaan dhinaca Maamulka Dowliga ah: Waa qodob aan u arko in uu si weyn u soo shaac baxey gaar ahaan intatan la qabatimey habka asxaabta badan oo hadda cimrigiisu gaadhey 14 sanno. Bal u fiirso dhacdooyinka abaabulan oo sida kooxeysan looga shaqeeyey oo badheedh ah loona fuliyey kuwaas oo mashaqo qaran lagala kulmey. Waxaa aynu ogsoonahey in si ku meel-gaadh ah loo xaliyey dhamaantood. Ma aynu sameyn daraasad rasmi ah oo lagaga gun gaadhayo sababaha ay salka ku hayaan dhacdooyinka ina ruxay qaran ahaan oo mashquul badan lagala kulmey.
Ku dhaqanka sharciga iyo fulintiisa oo dabacsanaan leh: Waa mid ku xidhiidhsan baahsanaanta maamulka dowladnimo oo ay sabab u tahey dhowritaanka si aan loo lumin taageerada kooxaha abaabulan oo ku lug leh dhacdooyinka dhagareysan illeyn xisbiyada mucaaridka ayey u geli haddiiba kale waa muxaafid miisan weyn leh oo ay tahey in loo fuliyo xujada ay ku dheelayaal xilliyada dheeshooda ay jilayaan.
Qabyaalada sida weyn oo joogtada ah loo adeegsado: Waa agab si rasmi ah oo aan gabasho laheyn loogu adeegsado dhamaan qorshayaasha dhagareysan oo haddimo iyo dhaawac ugu filan jirintaanka qaranka JSL. Waa masiibo aynu si badheedh ah u adeegsano iyada oo ka dhigan hab-fulineed oo ay ku gaadhayaan ujeedooyin ay kooxuhu si gaar uga helaan dano gaar ah.
Daneystayaasha oo xadhkaha goostey: Haddiiba ay isgaabin jireen marka iyo markii dowladnimada la dhisayey oo kuwa daneystayaasha ah ay ku adkeyd in ay badheedhaan, maanta maba gabadaan oo waxaa kaga filan xisbiyada mucaarad ah oo ay galaan ama si gaar ah oo ay meelo sare oo dowlada ah uga dab qaataan! Markaa ayey diyaarsadaan qorshayaal dhagareysan oo ay si walba macaash uga helaan. Maba laha khasaare si kasta oo wax u dhacaan balse iyaga waa u macaash weliba waxaa la siiyaa xurmo gaar ah iyo madax salaax illeyn waa kudlado abaabulan oo ciddo badan ku xidhan eh.
Madax-dhaqmeedka oo ku milmay siyaasada si khaldan: Waxa aynu khaati ka joogney xisbi xumo aan dhibaato maahee ay dheeftoodu yar tahey marka laga reebo deganaanshaha codeynta iyo isu haneynta hadba midka guuleysta! Haddaba, waa la yaab in meesha mus-dambeedka u aheyd nolosha ummadatan iyo QARANKOODA curdinka ay sii qayirmeyso oo muunad baxeyso balse aynaan dhibsaneyn sida weyn oo ay ugu adeegayaan kuwa sharwadayaal ah oo caadeystey daneysiga gaarka ah iyo meesha ay ka iclaamiyaan nukriyeelkooda oo ah madax-dhaqameedka ay heyb wadaagaan. Reerka iyo siyaasiga aan sameyn sidatan waa nacasyo iyo qaar hoogey oo aan garaneyn sida looga faa’iideysto xilligakan maamul habac-sanaanta oo Somaliland la dhiban tahey.
Warbaahinta oo noqotey midi laba af leh: Warbaahinta ayaa Iyana noqotey mid inta badan qeyb weyn ku leh xiisadaha iyo sida weyn oo ay saameyn taban ugu yeeshaan nabadgelyada guud ee dalka iyo deganaanshaha nolosheena. Waxay noqdeen qaar sii naaxiya oo buunbuuniya halka ay waano iyo kalsooni uga abuuri lahaayeen ummada xilliyada wax saareenka! Waxa aynu arkeynaa iyada oo si reereysan loo adeegsanayo warbaahinta xilliyada xaasaasiga ah!
Dareen la’aanta shacabka si guud iyo si gaar ah: Dadweynaha oo gaabis iyo dareen la’aan caadeystey kana duwan sida iyo sida ay ahaayeen xilligii qaranka dib-u-dhiskiisa lagu jirey. Keliya waxa ay ku baraarugaan mashaqada iyo mushkilada qaraxeeda. Ka dib waxaa ay kolba raacaan oo tafsiir ku darsadaan filimka la baahiyey oo aan danba u aheyn jiritaanka ummada iyo qaranka balse ugu filan dumin iyo in la abuuro xasilooni daro ku habsata qaranka guud ahaan.
Inta qodob oo halkakan aan ku soo koobey: Waxay ka dhigayaan QARANKAN Somaliland mid si walba u NUGUL; Amni ahaan, xasilooni ahaan, dowlad ahaan, shacbi ahaan, iyo dal ahaanba. Waayahaas oo fursad weyn siin kara masaa’iibta maanta caalamka jahawareerka iyo gil-gilka ku haya; arga-gixiso, daneystayaal abuura mashaqooyin QARAN oo si looga kabtaa adkaan karto, qax iyo bara-kac, bur-bur dhaqaale, dhaqan guur iyo ummad kala habar-wacata-Alle ha inaga hayo eh-!
Gebo-gabadii, waxa aynu arkeynaa QARAN buukaan-jiif ah oo u baahan baanasho deg-deg ah oo ay uga dhigan tahey dabiibka rasmiga ah in la fuliyo oo aynu jilno maamul hufan, in aynu ku dhaqano sharciga iyo awaamiirka dowliga ah. Maba shaqeyn karo sarkaal ama howl-wadeen si toos ah oo hufan u adeegaa….Xilligiisaba maba aha ayaa lagaa yidhi……..taliye reereysan iyo maamule qabiileysan ayaa ah kuwa uu xiddigoodu aawan yahey maanta balse intee ayey ina sii wadi karaan?
Waa su’aal aan u dhaafayo akhristayaasha maqaalkan kooban oo aan HIIL IYO BAROOR-DIIQ UGA DHIGAYO TALIYE (Marxuum C/RISAAQ YUUSUF MAX’UUD -CASEYR-) iyo inta kale oo badan oo u le’atey mashaqo qaran oo ciddo gaar ah abuureen misna loo xalliyey si ku meel-gaadh ah.
Allahayow Somaliland Dhowr.
Qalinkii:
Mustafe Suleymaan Cilmi, Hargeysa, Somaliland.
Cell Phone: 00 252 (0)63 4137470
Email: mustafe72@gmail.com