Somaliland: Labada Haween ee ka taliya Aqalka Madaxtooyada oo Cagta Mariyey 16 xafiis oo halkaa ku yaalay iyo Masuuliyiintoodii oo Fakaday! ( 2)

0
766

Somaliland: Labada Haween ee ka taliya Aqalkii Ina-Siyaad Bare Lahaan jirtay oo Cagta Mariyey 16 xafiis oo halkaa ku yaalay iyo Masuuliyiintoodii oo Fakaday! ( 2)

 

Marlabaad iyo kulinti wanaagsan akhristayaal, waxaan filayaa inaad akhrideen maqaalkan hordhaciisii oo aan dhawr saacadood ka hore aan idiin soo galiyey warbaahinta kala duwan.

Sidaan hore aan idiinku balan qaaday waa sidan xogtii aniga oo marka hore idinka raaligalinayaa intaad u samirteen sugitaan saacado qaatay oo aad screenada hor fadhideen.  Madaxweynuhu markii la doortay 2010 waxa uu magacaabay gudi kasoo talo bixisa Qaabka xukuumadiisu  noqon doonto. Gudidaasi waxaa kamid ahaa talooyinkoodii in ay muhiim tahay lataliyaal madaxeyne oo khubro ku ah mid walba halka loo magacaabayo. Waa la fuliyey taa; waxaana la magacaabay 15 La taliye oo kala ah sidan:

  1. Lataliyaha Dhaqaalaha
  2. Lataliyaha Siyaasada (Daud)
  3. Lataliyaha Gaarka ah ee Siyaasada (Duxood)
  4. Lataliyaha Nabadgalyada
  5. Lataliyaha Doorashooyinka
  6. Lataliyaha Gobolada bari
  7. Lataliyaha Beelaha la haybsoco!
  8. Lataliyaha Dhalinyarada
  9. Lataliyaha Haweenka
  10. Lataliyaha Iska Difaaca Madasha  & Mucaaridka
  11. Lataliyaha Arimaha Bulshada
  12. Lataliyaha Qurbajoogta
  13. Latliyaha Hayadaha
  14. Lataliyaha Saxaafada
  15. Lataliyaha Arimaha Dibeda

Aduunka marka aynu eegno sida ay u dhisan yihiin dawladohoodu inta badan raga madaxwayna-yaasha dhinacyada ka fadhiyaa waa lataliyayaashiisii kala duwanaa , ee maaha wasiiradiisii. Waxaana mudnaanta kowaad iska leh oo ka awood sareeya lataliyayaasha , wasiiradu shaqo-maalmeed koodii ayay ku eegyihiin.  Inagana iska daa la taliyey e haddii wasiir uun la la tashanayo ma ciil baynu qabi lahayn.  Nin wasiir ah ayaa maalin dhaweyd igu yidhi waxaan tagay 6 arroornimo madaxtooyada waxaaba wada qureecanaya KHADIJA  IYO MURAAYO ; Qorshihii maalintaa ayayna gooynayeen……!!!!  Aan hore usii socono; intaan lagu eekaysiin Inqilaabkan shan iyo tobankan xafis ayaa markii hore waxaa la saaray cunaqabatayn;  Laba la taliye ayaan la kulmay oo aanan jeclayn inaan magacaabo;  Waan salaamay “ la taliyayaal warama”  waxay iigu jawaabeen “ hanagu odhan lataliyayaal”  Waxaan ku idhi “ waayo”  Mid kamid ah ayaa yidhi “  Sannado maan arag ninkii na magacaabay waxaana la iidiiday inaan albaabkiisa ka galo “  lataliyihii labaad ayaa isna ii raaciyey “  sidaa uu sheegay ayaa laga wada siman yahay oo haddanu hadda saxaafada u sheegno oo aanu nidhaa Waxba meeshii ma jiraan waxaa………………………….!!!

Aynu kusoo noqono sida  arin u dhacay iyo sida cagta loo mariyey xafiisyadan ; xafiisyada lataliyayaashu markii hore waxay ku yaaleen guddaha dhismaha madaxtooyada  (Main building)  waxaase dhawaan ku dhacday inqilaab aan dhiig ku daadan waxaana lagu eekeysiiyey hujuum foolxun oo ay soo maleegeen golaha kacaanka sare ee ka taliya Dabaqa 2aad e ay hormoodka ka yihiin Marwo Khadiija Maccalin iyo Maamo Muraayo Garaad.   waxaana la go’aansaday in la iska fogeeyo oo la geeyo meel ka durugsan dhismaha muhiimka ah ee madaxtooyada ,  waxay aakhirkii shirar badan oo ku dul qabsoomay Qureecda dhexdeeda lixda subaxnimo ay isla qaateen in lagu daad gureeyo halka KUSHINKA ciidanka Ilaalada madaxtooyadu wax ku karsadaan halkaana looga dhiso mutulo yar yar  oo kooban. Waa meel qiyaastii 100 tallaabo u jirta dhismaha muhiimka ah ee madaxtooyada .  waxaa loo quudhay ragii aynu ka sheekeynaynay ee qiimaha lahaa in Qiiqa xaabada ciidanku ay wax ku karsadaan wehel looga dhigo waa si ay u wada INDHO-BEELAAN.  Balse way iska garteen oo dhamaan way ka huleeleen in  ay ka agwareegaan guud ahaan madaxtooyada .

Gabagabdii qaybtan lataliyayaasha waxaa arinkan foosha xun loogu eekeysiiyey , ma aha arin caalamkan aynu ku nool nahay ku cusub, waana mida dawlado badani ku fashilmeen , waana ta ay ku socdaan golaha kacaanka ee dabaqa labaad ee mdaxtooyadu hadda ku foogan yahay.

Lasoco Xafiiska 16aad oo isna Mid miisan Culus ku lahaa Qaranka………………………….!

 

Cabdirasaaq Askaar

Hargeysa/Somaliland

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here