Somalia oo maxkammadda Hague u gudbisay Kenya

0
716

Somalia(Halsan):-Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka ee dowladda Soomaaliya ayaa hadal qoraal ah ka soo saaray soo jeedin dowaldda Kenya ay dhowaan u gudbisay maxkamadda caalamiga ah ee the Hague (ICJ) oo Kenya ay ku codsatay in muranka xagga badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya lagu dhammeeyo dibadda maxkamadda.

Xeer ilaaliyaha guud ee Soomaaliya, Axmed Cali Daahir, waxaa uu sheegay in gudbinta codsiga dowaldda Kenya ay ujeeddadiisu ahayd inaysan maxkamaddu dhegeysan dacwaddaas, taasoo uu sheegay inay markhaati u tahay in dowladda Kenya ay ka werwersan tahay sal la’aanta qaanuuneed ee doodda ku wajahan sheegashada Badda Soomaaliyeed.

Sidaas darteed, ayuu yiri, xeer ilaaliyaha guud dowladda Soomaaliya waxay ka rajeynaysaa dowladda Kenya inay u hoggaansanto shuruucda caalamiga ah, maadaama ay ka mid tahay dowladihii saxiixay, laguna yiqiin tixgelinta iyo dhaqan gelinta qawaaniinta caalamiga ah.

Xeer ilaaliyaha guud waxaa uu sheegay inay ku kalsoon yihiin in maxkamaddu gaari doonto go’aan ku saleysan caddaalad.

Waxaa uu xusay xiriirka qotada dheer ee ka dhexeeya labada dowladood iyo labada shacbi iyo in shacabka Soomaaliyeed ay si adag u aminsan yihiin dhowrista xiriirkaas walaaltinimo ee taariikhiga ah.