“SOCDAALKANI WUXUU AHAA SOCDAALKII XAQIIJINTA WAX-QABADKA XUKUUMADDA OO MUDADII AY JOOGTAY IYO WAXAY QABATAY KALA WEYN YIHIIN” AF-HAYEEN DHUXUL

0
622

Burco (Halsan):- Madaxweynaha Somaliland  Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), oo mudooyinkana socdaal shaqo ku marayay goboladda Barri  ee dalka  ayaa xalay soo gaadhay magaaladda Burco ee xarunta gobolka Togdheer, halkaasi oo ay u hoydeen, ka dib markii uu soo dhamaystay socdaal uu ku tagay gobolka Sanaag oo qaatay laba maalmood.

Socdalkaasi dheer ee  madaxweynaha oo maanta galay toddobaadkii labaad, wuxuu ku soo maray goboladda Sool, Sanaag Togdheer iyo Saaxil, socdaalkaasi oo ay u jeedadiisu ahayd  in  uu mashaariic kala duwan ka  furro degaamo ka tirsan goboladii uu soo maray. meelahaasi oo ay ka mid ahaayeen Laascood iyo  sidoo kale in uu soo qiimeeyo halka uu marayo dhismaha jidka isku xidha magaalooyinka Burco iyo Ceerigaabo.

Sida uu sheegay af-hayeenka madaxtooyadda Somaliland Md. Axmed Saleebaan Dhuxul, oo ka mid ah  weftiga uu hogaaminyo madaxweynuhu oo xalay khadka telefoonka kula soo xidhiidhay DAWAN. Waxaanu af-hayeenku socdaalka madaxweynaha ku tilmaamay in uu ahaa socdaalkii   guusha horumarinta iyo xaqiijinta wax-qabadka ay xukuumadu ka hirgelisay goboladda Bari ee dalka, kuwaasi oo ay ugu muhiimsan tahay dhismaha wadadda Ceerigaabo.

 

 

Af-hayeenka, oo ka war-bixinayay u jeedadda safarkaasi waxa uu yidhi “Socdalka madaxweynaha oo muddo shan maalmood ah qaatay, wuxuu ku soo maray goboladda Sool, Sanaag Togdheer iyo Saaxil. Nuxurka  socdaalka madaxweynuhu wuxuu ahaa in uu mashaariic kala duwan ka furro xarunta gobolka Sool ee Laascaanood, mashaariicdaasi oo ah kuwii ugu horeeyay ee laga furro oo ah jidid Laamiyo ah, marka laga taggo wadadda dheer ee magaaladda dhex marta waxay ahaayeen Jidad kale oo magaaladda dhex mari doona.

Ididiilo ayay u ahayd aad ayaanay u soo dhaweeyeen  dadka reer Laascaanod arrintaasi iyo mashaariicda  kale ee  laga hirgeliyay gobolka Sool. Socdaalkani wuxuu ahaa socdaalkii guusha horumarinta, socdaalkii guusha tilmaamideedda, socdaalkii guusha xaqiijinteedda, marka loo eego mudadda ay joogtay xukuumadani waxa ay qabatay ka weyn mid muddo intaa leeg lagu qaban karro.”.

 

Waxaanu intaasi ku daray, “Sidoo kale madaxweynaha iyo weftiga uu hogaaminayaa waxay socdaal ku tegeen gobolka Sanaag oo uu ka socda mashruuca ugu weyn dalka, kaasi oo ah wadadda isku xidhaysa Burco iyo Ceerigaabo, wadadaasi oo ah 370KM, iyadoo la doonayo in jidkaasi la dhameeyo, waxaau madaxweynuhu soo maray 150KM oo ka mid ah jidkaasi oo qaybna Daamurkii la saaray, inta kalena carro-kaawadii ay taallo. Dadka degaankaasina qaadhaan badan ayay bixiyeen, waxaanay sheegeen oo ay rejo weyn ka muujiyeen sida ay  arkaan tani in ay wax badan ka tarayso, isku socodka iyo in gobolkaasi ku xidhmo goboladda kale ee dalka. Waayo wadooyinku waxay  ka mid yihiin Kaabeyaasha dhaqaale ee u dal leeyahay.

Gobolka Sanaag waa gobol weyn, waa gobol kharyaad badan leh, gobol in siyaabo badna looga faa’iidaysto loo baahan yahay, hase yeeshee waddo la’aantaasi dhibaato farro badan ayay gobolkaasi ku haysay, waana la ogaa oo madaxweynuhu muddo hore ayuu wadadaasi dhax-dhigay, waana la bilaabay, oo hadda way socotaa. Xukuumadda madaxweyne Siilaanyo sida caadadda u ah, hawl kasta iyo mashruuc kasta oo ay bilawdo way dhamaystirtaa” ayuu yidhi af-hayeenku.

 

Axmed Saleebaan Dhuxul, waxa  kale  uu sheegay  in madaxweynaha iyo weftigiisu ay dareen farxad leh kala soo noqdeen guud ahaanba meelihii ay soo mareen, gaar ahaana bulshadda gobolka Sanaa goo si weyn ugaga mahad celiyay hirgelinta wadadda isku xidha Ceerigaabo iyo Burco, taasi oo dhismaheedu meel wanaagsan marayo.

Waxaani intaasi ku daray in aragtiyihii madaxweyne Siilaanyo ee ku salaysan horumarinta dalka iyo in uu is-bedel ku yimaado dhamaanba Kaabeyaasha dhaqaale ee dalka   ay ka mid ahaayeen samaynta jidkaasi si ay qiimo u yeelato dawladnimadda iyo qadarinta ay shacabku u hayaan xukuumadoodda.

 

Isagoo arrimahaasi faahfaahinayay waxa uu yidhi “U jeedadda socdaalka madaxweynahana ka mid ayay ahayd in uu soo eego,halka ay marayso wadadaasi, in uu dadka soo xog waraysto ayay ayay ahayd, in hawshaasi dar-dar gelinteedda iyo kicinteedda mar labaad la gallo, hawl gunti-giijis ah  iyo  dhaqaajinteedda la sii kordhiyo ayaa ka mid ahayd.socdaal iyo dedaal ma hadho reebay, markaa runtii madaxweynaha iyo weftigiisu dareen farxad leh ayay la soo noqdeen, aad ayaana loogu   mahad naqay wasiirka madaxtooyadda iyo gudidda gacanta ku haysa hawsha dhismaha wadaasi,  dedaalka ay u galeen hirgelinteedda iyo sida aanay habeen iyo maalinba uga fadhiisan.

Aragtiyihii madaxweynaha ayay ka mid ahayd  ee ku salaysan horumarinta dalka, iyo in uu is bedel ku yimaado dalka, in maalin walba lagu arko dalka wax farax geliya dadka, in dawladnimo ay miisaan iyo qadarin ku leeyihiin ay u dhalato, horu-socodkeedda iyo wax-qabadkeedda iyo Kaabeyaasha dhaqaale ee dalku in ay dhaqaaqaan, oo dadkeena dibadda iyo kuwa guduhu ay is-kaashadaan, oo horumarka laga wada shaqeeyo. Marka ay shacabku gacmaha is-qabsadaan ayaa wax la dhamayn karaa, dawladanina waa dadka bartay in ay iyagu wax-qabsadaan, iyaduna ay la timaado aragti  hogaamineed, oo cidii wax-qabsanaysaba wax loogu darayo, oo lagu dhiiri gelinayo. Waana ta keentay in caafimaadka uu is-bedel ku yimaado, waxbarashadda uu is-bedel ku yimaado, waa ta keentay in dhaqaalihii dalku uu is-bedello, waa ta keentay in haybadii dawladnimadda iyo qaranimadu is-bedel uu ku yimaaddo, iyo siyaasadda guud iyo ta dibadda in  uu is-bedel ku yimaaddo”.

 

 

Waxa kale oo uu af-hayeen Dhuxul, sheegay  in mashaariic muhiim ah ay hadda ka socdaan gobolka Sool gaar ahaan magaaladda Laascaanood, kuwaasi oo ay ka mid yihiin wadooyin magaaladda gudaheedda ah, caafimaadka, biyaha iyo kuwo kale. Hse yeeshee  waxa uu qiray  in goboladda bari ee dalku ay horumar ahaan ka danbeeyaan kuwa kale, hase yeeshee mashaariicdan tiradda badan oo hadda ka socda Laascaanood in ay ka mid yihiin kuwo u jeedadda laga leeyahay ay tahay in qaybaha kale ee dalka la soo gaadhsiiyo.

 

“Laascaanood waxa uu madaxweynuhu ka furay mashaariic badan, qaarna wuu dhagax dhigay. Mashaariicda socota oo  ay ku baxayso lacag dhawr Milyan oo dollar ah, oo wadooyinku ay ka mid yihiin, caafimaadku ka mid yahay, biyuhu ka mid yihiin, oo booliisku ka mid yahay. Waxa kale oo mashaariicdaasi ka mid ah Balli weyn oo magaaladda koonaheedda laga sameeya. Tusaale ahaan  1955-kii ayaa ugu danbaysay saldhig boolis oo laga dhiso magaaladda Laascaanood, waxaanay xukuumadani dhagax dhigtay in saldhig cusub la dhiso,

Waa xaqiiq goboladda barigu way  ka danbeeyaan horumar ahaan dalka intiisa kale, u jeedadda ay xukuuamdan Axmed Siilaanyo waxa weeyi in horumar ahaan uu dalku is-gaadho, horumarka Galbeed ka socdaa waa in uu Barina ka socdaa, sidaas ayay sharafta iyo haybadda dawladnimadu ku jirtaa.

 

Ugu danbayntii madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland wuxuu ugu baaqayaa shacabka guddo iyo dibadba in ay ka qayb qaataan horumarka dalka ak socoda, oo maalinba maalinta ka sii danbaysa sii kordhaya”ayuu yidhi Dhuxul.

Xigasho: Dawan