SNM iyo Janaraal Moorgan W/Q: Cali Cabdi Coomay

0
1080

SNM iyo Janaraal Moorgan W/Q: Cali Cabdi Coomay

SNM waxa ay bilawday dagaal kolba xero dabka la saaro, dagaalkii koowaad waxa ay weerar ku qaadeen Qool Bulale u dhaxaysa ina Guuxaa

25/4/1986 Jenaraal Moorgan ayaa loo soo beddelay qaybtii Waqooyi galbeed ee Soomaalilaan-ta maanta, waxaana booska laga beddelay Janaraal Gaani. Moorgan waxa uu la yimid is-beddel weyn oo ay ugu horayso in aan qaadka lagu qaban magaalooyinka gudahooda balse lagu aqabto xuduuda oo qaadka waxa si hoose uga ganacsan jiray askartii Maxamed Siyaad horena waxa qaadka loo mamnuucay sanadkii 1983. Markaa arrintan ah in qaadka aan lagu qaban magaalooyinka waxa ay SNM ku keentay inay rag badan oo SNM ka tirsanaa ay u arkeen in qaadkii la fasaxay oo ay dib ugu noqdeen magaalooyinkii ka dib SNM arrintaasi way ka gaashaamatay waxa ayna go’aansadeen in ay kolba meel ay

 

xooga saaraan, oo ay kolba weerar Xero ku qaadaan si ay uga hortagaan is beddelkan uu la yimid Generaal Moorgan. SNM waxa ay bilawday dagaal kolba xero dabka la saaro, dagaalkii koowaad waxa ay weerar ku qaadeen Qool Bulale u dhaxaysa ina Guuxaa iyo Lebi Sagaale, halkaasi waxa galay ciidan SNM ahaa oo Bari iyo Galbeed laga keenay ayaa dagaal culus ku qaaday xeradaasi wuxuu weerarku ahaa mid gaadmo ah halkaasina waxa cagta lagu mariyey ciidankii xerada deganaa, xeradan waxa ka baxsaday 150 askari ka dib warkii ayaa gaadhay Moorgan, isana waxa uu amray in askarta baxsatay la laayo waana la laayey. Sida aan ku qoray buugga MAHADHOOYINKII SNM ee aan ka qoray Kornayl Maxamed Cilmi Galaan oo dagaalladan goobjooge ka ahaa, kana mid ahaa saraakiishii ciidankii SNM hogaaminaysay. Buuggan dhawaan ayaa la soo bandhigi doonaa.

Weerarkii labaad waxa ay SNM Ku qaaday Ballay Cabane oo ah xero ciidan oo ay ku lahaayeen ciidankii Maxamed Siyaad waxa xeradan ka dhacay dagaal Qadhaadh, aakhirkii waxa ay SNM gacanta ku dhigeen xeradii oo ay gubeen, laakiin hubkii yaalay may guran, dad badan oo deegaanka ahaana waxa ay u soo kaxaysteen dhinacaa iyo Qudhac Raamaale. Weerarkii sadexaad waxa ay ciidankii SNM ku qaadeen deegaan Daba-gorayaal oo dhinaca Bari ku yaala, halkaasi waxa gudaha loo galay xeradaasi oo ay gacanta ku dhigeen dhinaca SNM waxa kaga dhintay laba askari markii ay SNM fulisay weeraradaa isdaba Jooga ah ayuu Janeraal Moorgan nasan waayay oo uu joog iyo jiifba diiday, markii dambe wuu beddelay shaxdii oo uu bilaabay inuu sameeyo odayaal uu ka soo ururiyay magaalooyinka oo uu dejiyay deegaanka Xuduuda, odayaasha wuxuu si siman u dejiyay Wajaale, Farawayne, Allaybaday, Waddo Makaahiiil, iyo Ballay Cabane.

Shaqada uu Janaraal Moorgan u diray odayaashan ayaa ahayd in ay dadka wacyigeliyaan, oo ay SNM u sheegaan in aanay dadku SNM taageerin, sidoo kale ay SNM ciidankooda u caqli celiyeen oo ay la heshiiyaan dawladda, odayaashii oo ay horkacayaan ciidan uu raaciyey Moorgan ayaa u jihaystay dhinacaa iyo Xuduuda si ay u gaadhaan deegaankii loo xilsaaray inay wacyigelinta ka fuliyaan oo wata baabuur badan oo soo socda inta u dhaxaysa Geed Balaadh iyo Allaybaday ayay ciiidankii SNM ee ku sugnaa aagaasi miin u dhigeen kolanyadii odayaasha galbinaysay, markaasaa gaadhigii ugu horeeyay ee sahanka u ahaa cirka ula kacday miinadii waxaana  halkaasi ku naf waayay askar koofiyad cas ahayd iyo sarkaal gaashaanle ahaa oo watay ciidanka odayaashii lagu waday baabuurta naxdintii ayay kala carareen oo mid kastaa meel ka dhacay  qorshihii Janaraal Moorgan ee odayaasha uu adeegsaday halkaasi ayuu ku fashilmay oday dambe muu keenin xuduudii.

Dagaalkii Gudaha Hargaysa Ku dhexmaray SNM iyo Janaraal Moorgan

Guutadii ciidankii SNM ee loogu talogalay inay qabsadaan xerada taliska 26-naad oo fadhiisin u ahayd Janaraal Moorgan, waxa ay hayd guutadii SAYID CUMAR ee uu taliyaha u ahaa Kornayl Maxamed Cilmi Galaan. Ciidankii Sayid Cumar way soo socdeen in yar markay soo socdeen ayey fooda dagaal isku dareen taliskii Qaybta 26-naad, oo ay gaadh ka hayaan ciidan koofiyad casi ahi markii in muddo ah la isku jiray waxa la isla galay taliska qaybta.  2:45 habeenimo ayay ciidankii Sayid Cumar oo uu taliye u ahaa Maxamed Cilmi Galaan gacanta ku dhigeen Taliskii Qaybta 26-naad, waa Habeen Caddo ah, wuxuu Maxamed Cilmi Galaan ii sheegay in ay arkayaan firxadka askarta taliska ka yaacaysa, taliska ayaa u soo gacan galay,  show taliska qaybtu wuxuu leeyahay makhsino hoose oo aanay garanayn ciidanka SNM waayo waxa la dhisay intii ay ku maqnaayeen Qaaxo oo waxa dhulka hoose ku jira Janaraal Moorgan iyo 7 Janan iyo ilaaladoodii, laakiin waxa ay mihiimadoodu ahayd inay ciidanka xerada ka qabsadaan tiina way u suuragashay.

Ciidankii lagu qabsaday taliska qaybta intii ka firxatay waxa ay tageen xero taliska qaybta xagga sare ka xigta oo qiyaastii ilaa hal kiiloomitir u jirta, xeradaasi waxa yaalay kaarayaal, ciidankii qabsaday xerada taliska qaybta ee uu taliyaha u ahaa Maxamed Cilmi Galaan ee Sayid Cumar ama ururkii labaad ayuu laba qaybood u qaybiyey, oo 60 ka mid ah ciidankii waxa la hadhay taliye Maxamed Cilmi, 80 kale oo ciidanka ka tirsanaa wuxuu Maxamed raaciyey kaliyihiisii oo la odhan jiray Aadan-Garuuf wuxuu ahaa Injineer shacab ah.

Wuxuu taliye Maxamed Cilmi amray inuu Aadan-Garwaf ciidankan 80 ka ah kaxaysto, dooxa Hargeysa qaad, Hargeysa Club hoosteeda maro ka dibna uu qabsado taliska Booliska oo halkaasi ku yaala, lixdankii Askari ee uu Maxamed Cilmi la hadhay waxa ay si kedis ah u arkeen ciidan gawaadhi wata oo gurmad u ah ciidankii Laga qabsaday taliska qaybta, dabadeed taliye Maxamed Cilmi wuxuu ciidankii Geliyay diyaargaraw oo waxa ay galeen laag dooxa ku dhacaysa, ciidanka gurmadka ahi waxa ay soo marayaan waddo ay hareeraha ka fadhiyaan CIidankan Maxamed Cimi wataa kadib gawaadhidi ayaa u soo leexatay waddadii ay fadhiyeen ciidanki Maxamed Cilmi gaadhigii koowaad oo ahaa nintiin oo ay ka buuxaan askari ayaa soo galay , haddana kii labaad iyo sadexaad, markii uu kii afraad soo galay waddadii ayuu Maxamed Cilmi ku yidhi “ joogso?, waar ma gaaskii koowaad baa?” ka dib taliyahoodii ayaa gaadhigii ka soo booday oo uu yidhi “waar waa Gaashaanle Cabdirisaaq” markiiba rasaastii ayay ciidankii Maxamed Cilmi galaan ku bilaabeen oo gaashaanlihii ayay rasaastii ugu hordhacday, saddexdii gaadhi ee hore iyo kii afraad ee dambe ayaa gam laga dhigay oo hal askari kamuu bixin.

ka dib ciidankii kuwan  ka dambeeyay ayaa markay arkaan in afartii gaadhi dabka la saaray iyana baabuurtii ka degay markaasaa haddana is-qabqabsadeen oo dagaal culusi ka dhex qarxay, ilaa waaberigii ayay isku jireen, markii waagii beryey ee ay iftiin noqotay ayay dib u gurteen ciidankii faqashtu dabadeed Maxamed Cilmi Galaan iyo ciidankiisii ayaa markii cadceedu soo baxday is-yidhi xeradii taliska qaybta ee ay hore u soo qabsadeen dib ugu noqdo mise waa kaarayaal iyo ciidan xeradii haysta oo ka soo galay xerada waddo kale, ka dib haddana wuxuu dagaal ka dhex qarxay ciidankii markii muddo ay isku jireen ayaa ciidankii Maxamed Cilmi dooxa xerada taliska qaybta ayaa lagu shubay dooxa, markaasay ka soo baxeen taliskii 26-naad, sidaasi ayey ugu soo gudbeen dhinaca xaafadaha waqooyi ee Hargaysa. Janaraal Moorgan cagaha ayuu wax ka dayey, orodkii uu Hargaysa ka qaaday wuxuu ku gaadhay ilaa Muqdisho.

 

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@hotmail.com