Siyaasiyiinta Somaliland Ka Fallaagoobay Ee Muqdisho Oo Kulan Yeeshay Iyo Maxamed Cumar Carte Oo Ku Margaday Su’aalo La Waydiiyay

0
907

Muqdisho(Halsan):- Siyaasiyiinta Somaliland ka soo jeeda ee Somalia u xilal doontay ayaa kulan ay ugu yeedheen qorshaha wadatashiga hiigsiga 2016-ka ee Somalia ku yeeshay Muqdisho. Kulanka oo uu hormuud ka ahaa Ra’isal wasaare xigeenka Somalia kana soo jeeda Somaliland ayaa lagu sheegayay in Somaliland ay metelayaan kana mid yihiin qorshaha Somalia ku xulayso baarlamaanka iyo hogaanka xukumadda sanadka 2016-ka.

 

Maxamed Cumar Carte, ra’isal wasaare xigeenka Somalia oo idaacadda VOA u waramay kulanka kadib ayaa ku haftay su’aalo wariyuhu waydiiyay, wuxuuna bixin kari waayay jawaabo sharaxaya habka ay ku metelaan bulshada Somaliland, isagoo tibaaxay inay beelaha Somaliland uun ku joogaan Muqdisho, balse aanay arrimo siyaasadeed ama maamul u joogin.

 

Ugu horayn wuxuu sharaxay waxa kulankoodu daarnaa“ Waa wada tashi la doonayay in loo qabto dhammaanba shacbiga Soomaaliyeed, markaa dadka reer waqooyiga ah ama reer Somaliland na shacbiga Soomaaliyeed ayay ka tirsan yihiin, wuxuuna wada tashigani qayb ka yahay kuwii lagu soo xuli lahaa baarlamaanka maadaama aanay doorasho qof iyo hal cod ahi suuro galayn,” ayuu yidhi Carte.

 

Wariyaha ayaa Maxamed Cumar Carte waydiiyay su’aal ah: Ra’isal wasaare xigeen, hawsha socota waxaa qayb ka ahaa madaxda maamulada laakiin, Somaliland go’aanka mawqifkeedu waa mid ka duwan kaas oo meeshay taagan tahay waynu ognahay markaa sideedu metelaysaan ee go’aan uga gaadhaysaan dad aan meeshaba joogin?

 

Waxa uu Maxamed Cumar Carte ku jawaabay “ Horta midna waa maamul midna waa beelo, markaa anaga maanta dadkani waxay ahaayeen dad beelahaas Somaliland dega ka soo jeeda oo taas ayaanu ka hadlaynay taana weeye taanu shirka u qabanay inay iyaguna ku cabiraan masiirkooda maadaama ay in badani u joogto sidii ay ka dhawaajiyeen inay yihiin dadkii midnimada keenay markaa inaan wadatashigii lala yeelan mid meesha soconaysa maaha.”

 

Wariyaha: Laakiin Ra’isal wasaare xigeen saraakiisha, madaxda iyo waxan meesha jooga waa dad muddooyinkii u dambeeyay siyaasadda Soomaalida ku jiray, markaa go’aan walba oo ay gaadhaan oo yidhaahdaan Soomaaliya ayaan ka midnahay kama soconayso Hargeysa iyo degaannadaasi markaa waxaan wakhti badan lagu bixin inaad hurmuud ka tahay saw uma muuqato?

 

Waxa uu ku jawaabay Ra’isal wasaare xigeenku “ Mayee ma aha. Waxa weeye masiirkii umadda ayaa laga hadlayaa, maantana waa in laga hadlo hiigsiga 2016-ka, sidaanu halkan ku sheegnayna waxay ergooyinku soo jeediyeen in Federalka Somalia ku salaysnaado labadii gobol ee isku yimid 1960-kii oo ku midoobay jamhuuriyaddii Soomaaliyeed. In saami qaybsiga shacabka ay ahaato si siman oo ku dhisan boqolkiiba konton( Kala badh ama 50 by 50),” ayuu yidhi Carte.

 

Muddooyinkii u dambeeyay waxaa isa soo tarayay cabashada siyaasiyiinta u shaqo tagay Somalia ee ku aadan inaan waxba looga ogolayn Muqdisho, iyagoo hore bayaan ay u soo saareen quus kaga muujiyay in bulshada ay metelaan wax looga ogol yahay Muqdisho.