SIYAASIGA CABDICASIIS CUMAR XAASHI OO KU BIIRAY XISBIGA UCID

0
640

SIYAASIGA CABDICASIIS CUMAR XAASHI OO KU BIIRAY XISBIGA UCID

 

Siyaasiga da’da yar ee Cabdicasiis Xaaji Xuseen Cumar Xaashi, ayaa si rasmi ah ugu biiray xisbiga mucaaradka ah ee UCID.

Munaasibad qado ah oo uu xisbigu ku soo dhaweeyay siyaasigan reer Hargeysa, ayaa waxa ka qayb galay murashaxa iyo guddoomiyaha xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe, madax ka tirsan xisbigaas, taageerayaasha siyaasigan oo ka soo kala jeeday qaybo ka mid ah degmooyinka 26 June, Ibraahim Koodbuur iyo Gacan Libaax.

Cabdicasiis, oo halkaas hadal ka jeediyay ayaa sheegay inuu go’aankan qaatay ka dib indha-indhayn iyo xog-raadis badan oo uu muddo ku sameeyay xisbiyada saddexda ah ee Somaliland, “Waxaan go’aansaday inaan ku biiro xisbiga UCID iyo Faysal Cali Waraabe, waayo xisbiga iyo Faysalba waa xisbi muwaadiniin ah oo uu dalku leeyahay, waana hoggaamiye siyaasadeed oo aan qabyaaladda ku dhaqmin, balse wax kasta ka horaysiiya danta guud ee qaranka.” ayuu yidhi Cabdicasiis oo sheegay in siyaasiyiin badan oo uu Faysal soo saaray ay ku caasi garoobeen.

Waxa iyaguna halkaas ka hadlay, odayaal, macalimiin, dhallinyaro iyo siyaasiin weheliyay Cabdicaiis, kuwaas oo balan qaaday inay taageeradooda la garab istaagi doonaan xisbiga UCID iyo murashaxnimada Faysal Cali Warabe.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo isna munaasibadaas soo gunaaday, ayaa soo dhaweeyay Cabdicaiis Xaaji Xuseen Cumar Xaashi, oo uu ku tilmaamay nin aragti caafimaad ku soo kordhinaya xisbiga UCID, isagoo xusay in qoyska uu Cabdicasiis ka soo jeedo ee reer Cumar-xaashi horeba la soo shaqeeyeen doorashooyinkii hore ee dalka ka qabsoomay.

Faysal Cali Waraabe, wuxuu ka hadlay siyaasadda guud ee qaranka, waxaanu si gaar ah carabka ugu dhuftay horumar la’aanta caasimadda Hargeysa oo uu ku eedeeyay golaha deegaanka Hargeysa oo uu ku tilmaamay kuwo shaqadoodii gabay islamarkaana aan waxba soo kordhin, isagoo tusaale u soo qaatay waddooyinka caasimadda.