Siyaasi Mujaahid Cali-guray Oo Maanta Si Cad Ugu Tiraabay Hadal Meel-Ka-Dhac Ku Ah Qarani-madda Somaliland Iyo Meeqaamka Uu Dhigay Dawlad-nimadda JSL

0
682

Hargaysa:(Halsan):-Siyaasiga Cali Yuusuf (Cali-guray) oo Todobaadyadii ugu danbeeyay ka maqnaa Saxadda Siyaasadda Somaliland,ayaa Maanta Warbaahinta kula hadlay Xarunta Maxkamadda sare ee Somiland oo maanta go’aan kasoo saaray khilaafka Muddo-kordhinta,ayaa halkaas kaga tiraabay hadal ugub ku ah Siyaasiyiinta Somaliland,kaas oo is-bar-bardhig uu ku sameeyay Dawlad-nimadda Somaliland iyo Ta Somaliya uu ku sheegay inay ka rajo dhawday ta Somaliya,hadalkaas oo dadkii goobta ku sugnaa iyo Warbaahintaba lama filaan ku noqday. “ Wax Doorasho ah oo dhacaysaa ma jirto.ku Bishaaraysta 2017-ka wax doorasho ah oo Dalka ka dhacaysaa ma jirto,go’aanka Maxkamaddana waa lagu qasban yahay in la yeelo,waana la Ixtiraamayaa.Laakiin Somaliland IL baa usii noolayd,IL-shiina wey beeshay.” Ayuu yidhi Cali-guray,waxaana isaga oo hadalkisa hoos u dhigay Meeqaamka Dawlad-nimadda Somaliland “wey indho la’dahay(Dawladd-nimadda Somaliland),Inay Buur ka dhici,inay Jar ku dhici Dawladd-nimadii Somaliland-na Halkaas bay ku dhamaatay,Habeenkaas caawa ahna Taas shabaab-tu qarxinayso (Dawladda Somaliya) iyo Hargaysa-daas shanta Somaliyeed ugu harayn jirtay,Maanta shanta Somaliyeed iyaddaa ugu danbaysa,waxaana Dawladd ugu dhaw taas Muqdisho”. Ayuu hadalkiisa kusoo xidhay Cali-guray.
Haddaba,hadalkan ayaa la garanayn in Gudoomiye Ku-Xigeenka 3-aad ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID uu ku matalayo Xisbiga uu ka tirsan yahay ee UCID Iyo inay isaga u gaar tahay,waxaana la dhawri doonaa waxay hadalkaas kaga jawaabaan Xukuumadda Iyo Mucaaradka Somaliland.