SIYAASI MIISAAN CULUS KU LEH GOBOLKA GABILEY KANA MID AH SHAQSIYAADKA XUKUUMADA U DHOW DHOW OO LA FILAYO IN UU KU BIIRO XISBIGA WADANI .

0
865

HARGAYSA(Halsan) Xukuumada madaxwayne siilaanyo ayaa hada mudo xileedkii ladoortay Dhamaaday iyadoo kursiga kusii fadhida mudo kordhin lagu muran Sanyahay oo ah laba sano, tasi oo aan lagaran karin waxa rasmiga ah ee lagu heshiindoono

mudadaa xukuumada siilaanyo talada dalka haysay ayaa waxaa jiray siyaasiyiin miisan culus ku leh dalka oo xili walba hiil iyo hoo lagarabtaana iyagoon wax xilina ka hayn hadafkooduna ahaa sidii uu uguulaysan lahaa barmaamijkii xusbiga kulmiye Bulshada u soo bandhigay,

Hadaba madaxwayne siilaanyo ayaa mudooyinkii udanbeeyay wuxu qaaday jid ka duwan kii lagu soo doortay waxayna siyaasadiisii noqotay mid gabi dhaclaynaysa taasi oo sobobtay in saaxiibadiisii siyaasada baalmarsan una xaglinaysa   cidkasta oo kasoo horjeeday himiladiisii ahayd  in uu  kursiga dalka ugu sareeyo ku fadhiisto,

Maxaa keenay xiligan in madaxwayne siilaanyo xilal u magacaabo xubno hagardaamooyin badan usoo gaystay xiligii uu ololaha ku jiray?

Tusaale ahaan wasiirkuxigeenkii arimaha dibada ee xukumaddii Daahir Riyaale Axmed kayse oo safarkii madaxwayne siilaanyo ku tagay dalka maraykanka isagoo markaa gudoomiyaha xisbiga kulmiye ahaa amarka ku bixiyay in aanu siilaanyo dalka soo galin oo uu yahay danbiile qaran,

Axmed kayse hada siilaanyo wuxu u magacaabay xilkiisii xiligaa uu hayay ee wasiirkuxigeenka arimaha dibada,

Shaqsiyaadka kale ee madaxwayne siilaanyo sida tooska uga soo horjeeday hadimoyin badana u gaystay hadana ah kuwa ugu dhaw waxaa kamida Cabdifataax oo hada ah lataliyaha arimaha haayadaha.

Mr Qabo oo isaguna ahaa dadkii ololaha adag u galay sidii madaxwayne siilaanyo dacwad loogu furilahaa xiligii tartanka ururada siyaasada.

Dhacdooyinka iyo kuwa kale oo badan ayaa wuxu madaxwayne siilaanyo ku wayayaa xubno lafdhabar u ahaa dawladiisa iyo xusbiga kulmiyeba

Hadaba warar xogogaala oo ku dhaw hogaanka xisbiga wadani ayaa tibaaxay in maalmihii udanbeeyay ay shirar hoose uu lalahaa siyaasi Eng Xuseen Aadan cige (Xusen Dayr) kamida siyaasiyiinta gobolka gabiley saamayn wayna ku leh gudaha iyo deibada in lafilayo in uu dhawaan udigo rogto xisbga mucaaridka ah ee wadani.

Shirarka ayaa sida ilo wareedyadu tibaaxeen dulucdoodu ahayd sidii ay xisbiga wadani ugu soo biiri lahaayen siyaasiyiin culus oo u hogaaminayo eng xuseen dayr.

majiro war rasmiya oo kasoo baxay dhinaca siyaasiga Eng xuseen Dayr

Eng xuseen Aadan cige ayaa kamid ahaa shaqsiyaadka xukuumada madaxwayne siilaanyo ku difaaca qalinka bulshada si cilimiyaysan ugu soo bandhiga  waxqabada xukuumada, oo masuuliyiin badan oo xil haysaa  ku guuldaraysteen in ay shacabka ku qanciyaan guulaha xukuumada ay kamidka yihiin

sidoo kale eng xuseen dayr ayaa lagu xasuustaa soo bandhigida dhibta ay leedahay qabyaalada oo mucaaridku tilmaamaan in siilaanyo kow kayahay kor u kaca qabyaalada.

 

Si kastaba ahaa tee arintan ayaa saamayn way ku yeelandoonta taageeradii madaxwayne siilaanyo ka helijiray gobolka gabiley oo xiligan u muuqda mid madaxwayne kalsoonidiisii lumiyay

Waxa kale oo bulshada reer gabiley  marwalba hortaala jidkii uu mariyay haldoorkii gabolka, Ay kamid ahaayeen. Labadii taliye ee ciidanka qaranka.

GEN; Nuux Taani

Gen Maxamed Xasan (Jidhif)

Dr Maxamed cabdilaahi cumar

Muj Boobe yuusuf ducaale

Cabdicasiis Maxamed Samaale

Muj Abiib diiriye Nuur Abiib timacad

Taliyihii Ciidanka Madaxtooyada Faysal kaamil ciise

Dhamaan haldoorkaa isku haybta ah wuxu madaxwayne siilaanyo mariyay jid isku mida

Dhacdadii ugu danbaysay ayaa ahayd  tii  Gaaraacis iyo jidh dil madaxtooyada dhexdeeda loogu gaystay xildhibaan xasan cawaale caynaan oo kamida xildbinaada gobolka gabiley ahaana xildhibaankii ugu codka badnaa xisbigii Udub.

 

Diga rogashada siyaasi Eng xuseen dayr wxii kasoo korka kala soco warbaahinta

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here