SIYAASI DAMAC XUN IYO DADWEYNE WACYI LIITA: IBRAAHIN YUUSUF AXMED “HAWD”

0
746

Waxaa la is ku raacsan yahay dawladnimadu in ay tahay dhaqan innagu cusub oo aynnu fahankeeda aad u gu liidanno. Haddaba si dhibaatadaa wax loo ga qabto, u gu horrayn laba masalo ayaa u baahan in garashadooda aad loo xoojiyo. Midda hore waa in la hindiso magacyo iyo tilmaamo cusub oo si hagaagsan innoo gu macneeya waxa ay tahay “dawlad”, ujeedkeeda iyo sida loo gu danaysto. Eray-bixintu waa muhiim mar walba si ay maskaxdu u hesho ujeedka wanaagsan ee arrinka la ga lee yahay.

Tusaale ahaan abwaanka iyo aqoonyahanku iyaga oo baahidaa dareensan, xilligii gobannimo doonka iyo bilawgii dawladnimada, wax ay keeneen eray-bixinta ah “Maandeeq” oo ah hashii geela ahayd ee qofka soomaaliyeed aadka u jeclaa una dhiman jiray. Waxaa loo dan lahaa dhiidhi gelin iyo in shisheeyaha “Maandeeq” la ga dhiciyo, lana daryeelo. Taa waa la gu guulaystay oo waa tii soomaalidii kacday ee gumaysiga gudinta u qaadatay. Ha ahaatee kolkii la dawladoobay fahankii “Maandeeq” ceeb weyn baa ka dhalatay, taas oo ah reerihii in ay dooneen dawladda in ay ka la dhacaan, sidii ay geela u ka la dhici jireen. Waa fahan qaldamay.

Balaayada soomaalida dawladnimada ka ga dhacday tu kale ma aha ee waa taa: reeruhu garan maayaan dawladnimadu in ay tahay dan wadareed oo ku wada filan haddii ay hagaag u maamushaan. Si taa loo helo, waxaa loo baahan yahay eray-bixinno cusub oo dawladnimada si hagaagsan u macneeya.

Meelaha u gu daran ee fahanka dawladnimadu innaga qaldmay waa hantida innaga dhexaysa ee magaca dawladda la gu maamulo. Dhaqan ahaan qofku in uu xoolo aanu lahayn ama dadka ka dhexeeya qaato loo gu ma dulqaateen la ga mana yeeleen, isaguna haddii uu sameeyo wax uu ku sifoobi jiray tuug iyo hungurixume, magac xumo weyn oo aan hadhin ayaana ka raaci jirtay. Laakiin maanta qofku marka uu xoolaha uu masuulka ka yahay magaca dawladda ku xado, isu ma arko in uu yahay tuug ceebaysan, bulshada qudheeduna ma fadeexadayso oo u ma aragto bahal saqajaan ah. Xitaa diin ahaan qofka xoolaha umadda xadayaa ma dareensana in uu xaaraan ka dhergay oo ku cadaab mudanayo. Waa arrin halis ah oo muujinaysa sida ay dhaqanka iyo dawladnimadu u ku la taggan yihiin ee aanay isu waafaqsanayn.

Qofku abuur ahaan waa danayste, danaysiga gaarka ah ee danta guud ka horjeedaana waa shar. Isa seegga iyo fidnada dadka ka dhex oogan oo dhan waxaa abuura danaysigaa sharka ah, sidaa darteed rusushii Ilaahay oo dhami wax ay ka shaqaysay qofka in ay ka saarto danaysiga xun iyo damaca aan bannaanayn. Maanta dhaqankeenna siyaasadeed/dawladeed sida qudha ee la gu wanaajin karaa waa in la xakameeyo danaysigaa sharka ah. Xakamahaasi u gu horrayn waa awoodda dadweynaha oo la ga baqo.

Soomaalilaand waxaa la isu dhaarsaday in wax la gu maamusho hannaanka dimuqraadiyadda, hannaankaas oo awoodda oo dhan siinaya doonista iyo doorashada dadweynaha. Ha ahaatee wacyi- iyo waaya’aragnimo yarida dimuqraadiyadda loo lee yahay darteed bulshadu aayaheeda la gu khammaarayo waxba ka ma qabato oo dhegta ayay huwatay, oo cidiba talo ma wayddiiso. Doorashooyinkii sannadkan dhici lahaa ogaan iyo ulakac baa loo xayiray, waxaana meesha ka saaray damac xun oo ay qofaf tiro yari lee yihiin, kuwaas oo aan cidna ka haybaysanayn.

Bal haddaba haddii siyaasigii kaa yahay, bulshadiina taa tahay, sidee geedkii intaa la soo beerayay loo badbaadin karaa?