Prof Xuseen Warsame oo ah aqoon yahan cilmigga dhaqaalaha ka dhigga Jaamacadda Calgary ee Waddanka Kanadda ayaa isagoo ka qayb galaya dood lagaga hadlayey arrimaa Soomaaliya wuxuu yidhi ” Dhibaatadda ugu wayn ee Soomaaliya kusoo food lihi waxa weeyaan , Dhaqaalaha sii kordhaya ee Somaliland , maanta Miisaaniyadii Somaliland waxay maraysaa , 400 Malyan halka Miisaaniyaddii Soomaaliya ay marayso Labba boqol , oo weliba badankeedu caawimo tahay , siddaa markay tahay , Somaliland hadday ka dhaqaale badato Soomaaliya , siddee bay ula Midoobi kartaa maxaase ku qasbaya
Arrinta ugu culus ee Maamulka Mogdisho ka dagaalamayaana waa intaas , maxaa yeelay dhaqaalaha Somaliland
usoo kordaa wuxuu uga dhigan yahay , dhibaato iyo culays iyagga fuulaya .
Dhinaca kale , Isticmaalka Dekedaha Jabuuti ay isticmaasho Itoobiya , haddii dhibic ka middi usoo baydho Berbera , waxay ka dhinmaysaa Jabuuti , halka ay ku kordhayso dhinaca Berbera , siddaa darteed Jabuutina waxay dadaal ugu jirta in suuqa Itoobiya ay keligeed haysato , cid ku wehelesa oo kula tartantaana aanay jirin .
Bar-kulanka labadda Soomaaliyeed ee Djabouti iyo Mogdisho midaynaya , Soomaalidda kale ee Somaliland ay kagga soo horjeeddana waxa weeyaan , la dagaalanka Dhaqaalaha Somaliland oo labadooduba dhib u arkaan korodhkiisa, sirtuna waa dhaqaale .
W/Q: Ahmed Nour Guruje