Siro laga helay Dilalkii Booliisku ka fuliyeen saldhigyada Booliiska Ibraahim Koodbuur iyo Jigjiga yar ee labada wiil ku dhinteen

0
560

Dawladda Hoose iyo Booliiska oo la tuhunsan yahay inay saldhiga Jigjiga yar u rarayeen goobtii laga raray Kantaroolka Galbeed ee Hargeysa

Hargeysa(Halsan) Toddobaadkii tagay waxa magaaladda hargeysa ka dhacay laba Dil oo ay fuliyeen ciidanka Booliisku, kuwaas oo ka kala dhacay Saldhigyada Jigjiga yar iyo Koodbuur, waxaanay ka dhasheen Mushkilad Dhul, taasoo aan illaa hada bulshada loo cadayn sababta rasmiga ah ee dhulkaas loogu Dilay Ilmo yar oo 11 jir ahaa, halka Wiilka kale ee Booliisku ku dileen saldhiga koodbuur uu ka mid ahaa dhalinayro Booliisku usoo xidh xidheen kacdoonkii ka dhashay Dhulkaasi.

Hadaba Waaheen waxay dabagal ku samaysay sababta iyo cida is haysatay iyo dhulka la isku haystay ka uu yahay iyo in uu jiro qorshe ka balaadhan inta bulshadu ka ogtahay dhulkaasi, waxaanay la sheekaysatay ama Xog dheeraad ah ka heshay Ehelada qoysaskii labada Wiil ka dhinteen iyo dad kale, waxaanay sheegeen tibaaxo hoose oo tilmaamaya in Booliiska, Dawladda Hoose iyo Nin Ganacsade ahi ku shuraako ahaayeen qorshe lagu Iibinayey ama lagu rarayey saldhiga Jigjiga yar kaasoo lagu siinayey nin Ganacsade ah.

Dadka dhacdadan ka waramay ee waaheen la kulantay waxa ay sheegeen in Booliiska iyo masuuliyiinta Dawladda Hoose heshiis qarsoodi ah kula galeen nin ganacsade ah in ay ka Iibiyaan Saldhiga Jigjiga yar iyo dhulka ku dhegsan ee ay leeyihiin qoyska uu wiilka yari kaga dhintay weerarkii Booliiska, iyagoo u qorsheeyey saldhiga inay u raraan dhulkii laga rarary kantaroolka Galbeed ee Hargeysa oo la geeyey maqaaxida Inanta, dhulkaas la sahamiyey oo ay leeyihiin dad kale oo shicib ah, balse Dawladda Hoose iyo Booliisku doonayeen inay u dawladeeyaan.

Sida xogta laga helay dadkaasi sheegayaan waxa Booliiska iyo Dawladda Hoose-ba arrintaa dhulkaasi loo rarayey Saldhiga kaga hor yimi qoyska dhulkii kantaroolku ka guuray lahaa, kuwaas oo ku dooday Dawladda Hoose ee hargeysa inay hore uga qaaday qorshihii danta Guud ee Beertooda lagu lahaa, kaasoo ay dawladda Hoose hore u mulkiday meel uu ku danbeeyeyba.

Dhibtaasi iyadoo ay ka haysatao saraakiishii qorsha rarka saldhiga waday ee Booliiska iyo Dawladda Hoose ahaa ayaa hadana waxa ku furmay khilaafka kala soo darsay dhulkan saldhiga ku xigay ee uu leeyahay Mujaahid Amed Japan, kaasoo markuu ogaaday in la boobayo dhismaha ku bilaabay si uu u Ooto, hase yeeshee sida wararka dhabta ah ee dhacdadaas joogay ay cadaynayaan waxa isla goobta dhismaha laga bilaabay yimi n inka Ganacsadaha ah ee dhulkaas sida qarsoodiga ah looga Iibiyey, kaasoo ka dalbaday qoyska inay dhismaha joojiyaan, balse mid ka mid ah wiilasha qoyska Ilmaha laga dilay fara gor-gor wajiga kaga dhuftay.

Isku dhaca Wiilka yare e gurigooda dhisanayey iyo Ganacsadaha dhulkaas damaaciyayey ayaa sababtay in uu awooda Xukuumadda adeegsado, waxaanu isla markiiba dalbaday ciidamada Birmadka, kuwaas oo isla markiiba goobta soo gaadhay rasaastana ku furay qoyska iyo dhalinyarada guriga dhisaysay, kuwaas oo dhagax kala hortagay ciidanka awooda badan ee loo soo adeegsaday, hase yeeshee arrintaasi waxay sababtay Dhimashada iyo Dhaaawaca carruurta difaacanaysay gurigooda.

Warku inta uu sheegay waxa ninkan ganacsadaha ah in uu hungureeyo dhulkan usoo jiiday nin kale oo ay Ilma-abti yihiin kaasoo waa hore dacwadi ku dhex martay dhulkan Qoyska caruurta laga dilay, balse wakhtigaas ay ku kala calaf qaadeen oo dhulku raacay qoyska imika degan.

Maxaa ka danbeeyey dhacdooyinkaasi, maxaase lagu xaliyey dhagarta qoyskaas laga galay? Sida ay wararka ugu danbeeyey sheegayaan inkasta oo la qariyey, hadana war isma qariyee waxa ay xukuumaddu Tunka u ridatay khaladka arrintaas , waxaanay go’aamisay in qoyska la siiyo laba magood iyo in dhulkooda loo daayo.

Sidoo kale, waxay Xukuumaddu go’aamisay in dawladda Hoose ee hargeysa dhul kale siiso qoyska dhulkaasi loogu soo mar marsooday inay iyagu leeyihiin oo sida ay warbixintu soo sheegtay ay Ilma abti yihiin Ganacsadaha doonayey in uu dhulkaas iyo saldhiga Danta Guud ah Boobo, hase yeeshee ku fashilmay damaciisii.

Wiilka kale, ee lagu Dilay saldhiga Koodbuur ayaa isna la sheegay in uu ka mid ahaa dhalinyaradii ka gadooday Dhul boobka Dawladda Hoose iyo Booliiska, waxaanu saldhiga ugu xidhnaa kiiskaasi, hase yeeshee waxay xukuumaddu isku dayday inay arrintaas kaga jawaabto in ay saldhiga ka bedesho Taliyihii iyo qaar ka mid ah Askartii saldhiga, kuwaas oo ay u bedeshay Saldhiga New Hargeysa.

Talaabada ay Xukuumaddu qaaday ayaa muujinaysa in danbi ay galeen ku danbabasayaan nidaam dhexdooda ah oo aan qancinayn qoyskii dhagarta laga galay, waxaanay qoyskii wiilka dhalay ku doodayaan in sharciga la horkeeno askarigii Dilka gaystay kaasoo si badheedh ah uga baxsaday saldhiga markii uu nin ka Dilay, hase yeeshee markii danbe ay Reerkoodu Booliiska dib ugu soo gacan galiyeen.

Illaa hada wiilka danbe iyo arrintiisa Xukuumadda iyo qoyskii uu ka dhintay go’aan kamay gaadhin hase yeeshee waxa jira balan ay xukuumaddu u qabatay, inkasta oo ay Reerka uu ka dhashay Askariga Dilka gaystay usoo gole fadhiisteen reerka uu wiilku ka dhintay, hadana arrintaasi waxa ku gacan saydhay Reer wiilka laga Dilay, kuwaas oo arrintooda dusha ka saaray Xukuumadda.

Saldhiga Jigjiga yar ee la dhaxal wareejinayey muxuu ahaa? Saldhiga Jigjiga yar waa Rug hoos tagta saldhiga Koodbuur oo xukuma demagada Ibraahim Koodbuur oo ah Degmada ugu weyn Gobolka Maroodi-jeex, waxaanu masuul ka yahay illaa degmada Daarasalaam ee waqooyiga Hargeysa, galbeedna illaa Degmadda Arabsiyo, koonfur-na illaa Degmada Faraweyne.

Degmadda uu ku yaalo saldhigaasi oo ah ta ugu weyn oo ay ku nool yihii dadka ugu badan hargeysa waxa jooga dhawr askari oo taraafig ah iyo midhadh Booliis ah, waxaana lagu dhaliila Booliisku inay si masuuliyad daro ah ama awood yaraan ah uga jawaabi waayeen baahida ay dadka deegaankaasi u qabaan saldhigyo iyo ciidan ilaaliya amaankooda, hase yeeshee lagama filay iyaga iyo Dawladda Hoose ee masuulka ka ah amaankoodu inay Iibiyaan qoysaskii dan yarta ahaa ee u dhawaana rasaas la dhacaan.

 

Source: Waaheen

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here