Sirdoonka Sweden oo soo afjaray kiiska Ninkii dadka gaariga ku laayay iyo Xogtiisa oo la helay+ Sawirada

0
703

Ciidamada Sirdoonka dalka Sweden ee marka magacooda la soo gaabiyo loo yaqaan (SÄPO) ayaa si toos ah u soo afjaray baaritaanka ninkii dadka ku xasuuqay gaariga kaas oo iminka dhamaan qirtay dambigiisa .

Ninkaan ayaa lagu magacaabaa Rachmat Akilov waana 39 jir u dhashay dalka Usbekistan wuxuuna wadanka Sweden soo galay sanadkii 2014-kii kaas oo xiligaas qaxootinimo dalbaday balse bishii Juun sanadkii 2016-kii ayaa diidmo la siiyay (Negativ) .

Rachmat Akilov ayaa hal sano ka dib lagu amray in uu dalka Sweden ka baxo ama si qasab ah loogu celin doono wadankiisa Usbekistan . Intaas ka dib Rachmat Akilov ayaa dhuuntay oo aqbaartiisa la waayay sida ay iminka soo bandhigeen booliiska dalka Sweden gaar ahaan kuwa qaabilsan arimaha qaxootiga .

Kiiska Rachmat Akilov ayaa iminka waxaa si toos ah u soo afjaray ciidamada dharcada Sirdoonka dalka Sweden ee (SÄPO) kuwaas oo baaritaan dheer ka dib kumbiyiitaradiisa ka soo helay xiriir uu mudooyinkaan dambe la sameen jiray kooxda Daacish kuwooda ka dagaalama dalka Siiriya .

Rachmat Akilov ayaa iminka si toos ah u qirtay dambigiisa kaas oo ku faanay inuu doonayay in uu laayo in ka badan dadka uu gaariga xamuulka ah jiirsiiyay . Sirdoonka dalka Sweden ee SÄPO ayaa sidoo kale soo bandhigay Faro iyo dhiig laga soo qaaday gaarigii xamuulka ahaa ee dadka lagu laayay .

Weerarkaan ayaa dhacay galabtii Jimcaha waxaana lagu dilay 4-qof halka dhaawaca uu ka badnaa 15-qofood . Dadka dhintay ayaa kala ahaa 2-Swedish ah , iyo labo haween oo u kala dhashay wadamada Ingriiska iyo Belguim-ka .