Sirdoonka Maraykanka Oo Ogaaday Codsi Xasaasi Ah Oo Ay Al-Shabaab Udirtay Xuutiyiinta Yemen!

0
30

Sirdoonka Maraykanka Oo Ogaaday Codsi Xasaasi Ah Oo Ay Al-Shabaab Udirtay Xuutiyiinta Yemen!

Sirdoonka Maraykanka ayaa ogaaday in Xuutiyiinta Yemen ay ka wada hadleen sidii hub loo siin lahaa kooxda ka dagaalanta Soomaaliya ee Al-Shabaab.

 

Saddex sarkaal oo Maraykan ah oo la hadlay CNN ayaa arrintan ku tilmaamay mid welwel leh oo halis gelinaysa xasilloonida gobolka oo markii horeba ay rabshado ka socdeen.

Saraakiisha ayaa hadda raadinaya cadeymo muujinaya in hubka Xuuthiyiinta la soo gaarsiiyay Soomaaliya, waxayna isku dayayaan in la ogaado haddii Iran oo taageero ciidan iyo mid dhaqaale siisa Xuutiyiinta ay ku lug leedahay heshiiska.

Mareykanka ayaa uga digayay dalalka gobolka iskaashigan suurtagalka ah toddobaadyadii la soo dhaafay, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan maamulka. Dalalka Afrika ayaa sidoo kale billaabay in ay si firfircoon ula soo xidhiidhaan Mareykanka, si ay u gudbiyaan walaacooda, oo ay u helaan macluumaad dheeraad ah.

“Tani waa wada hadallo joogto ah oo aan la yeelanayno dalalka labada dhinac ee Badda Cas,” ayuu yidhi qof xog-ogaal ah. “Oo waxaa loo eegayaa si dhab ah.”

Ma aha isbahaysi dabiici ah inay yeeshaan labada kooxood, kuwaas diin ahaan kala ah Sunni iyo Shiico is-neeb, islamarkaana aan horey xiriir u yeelan. Laakin waxaa kala qeybiya hal biyo oo kaliya – Gacanka Cadmeed oo istaraatiijiyad ahaan muhiim u ah – waxayna labadooduba Mareykanka ku tiriyaan cadowgooda ugu sarreeyaa.

Sirdoonka Mareykanka ayaa sare u qaaday suurtagalnimada in xiriirka danta ku dhisan uu xaaladda uga sii dari karo Soomaaliya iyo Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, halkaas oo Xuutiyiintu ay weeraro joogto ah ku hayaan maraakiibta ganacsiga iyo hantida ciidamada Maraykanka tan iyo markii uu billaabmay dagaalka Gaza.

Heshiiska suurtagalka ah wuxuu dhaqaale cusub u yaboohi karaa Xuutiyiinta, xilli saraakiisha Mareykanka ay sheegeen inay jiraan calaamado muujinaya in taageeraha koowaad ee kooxda, Iran, ay walaac ka qabto istaraatiijiyadda weerarada kooxda ee Badda Cas.

“Inaad awood u yeelato inaad iibiso hubka qaar waxay ku siineysaa dakhli aad loogu baahan yahay,” ayuu yidhi sarkaalka sare oo ka tirsan maamulka madaxweyne Biden.

Dhanka al-Shabaab, waxay siin kartaa fursad ay ku hesho ilo cusub oo hub ah – oo ay ku jiraan suurta-galnimada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones) – kuwaas oo aad uga casrisan hubkooda hadda, waxayna siin kartaa kooxda awood ay ku weeraraan bartilmaameedyada Mareykanka.

Waxaa jiray tahriibin joogto ah oo isugu jira hub fudud iyo agab ganacsi oo u dhexeeya kooxo kala duwan oo Yemen iyo Soomaaliya ku sugan muddo sanado ah. Laakin heshiis hub ah oo dhex mara Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta ayaa noqon doona mid cusub, sida ay sheegeen saraakiisha Mareykanka.

 

“Waxay noqon doontaa calaamadda ugu cad, in laba urur oo, fikrad ahaan, si isku mid ah uu uga soo horjeedo midba midka kale – in ay mudnaanta siiyaan wax ay wadaagaan, taas oo ah cadaawadda ay u hayaan [Mareykanka],” ayuu yidhi Christopher Anzalone, oo ah wax ka dhiga Marine Corps University, qaybteeda daraasaadka Bariga Dhexe.

“Waxay noqon doontaa mid aad muhiim u ah sababtoo ah waxay muujineysaa inuu jiro isbeddel dhanka labada ururba ah.”

Nooc kasta oo iskaashi milatari ah oo u dhexeeya Xuutiyiinta iyo al-Shabaab ayaa sidoo kale wiiqi kara xabad-joojin aan rasmi ahayn, oo jilicsan, oo u dhaxaysa Xuutiyiinta iyo Sucuudiga oo soo jirtay tan iyo 2022, ayuu yiri sarkaalka sare ee maamulka Biden. Waxayna si dhab ah uga hor imanaysaa nuxurka qorshaha Qaramada Midoobay ee ay soo jeedisay ee nabad waarta, ayuu yiri sarkaalku.

“Weli waxaan dan weyn ka leenahay taageeridda geeddi-socodka nabadda Yemen,” ayuu sarkaalku hadalkiisa raaciyay. “Laakin ganacsiga noocan ah ee ka dhexeeya Xuutiyiinta iyo al-Shabaab waxaa hubaal ah in ay adkeyn doonto oo wiiqi doonto dadaalkaas.”

Saraakiisha ayaa sheegay in xilligan aysan hubin nooca hubka Xuutiyiinta ay siin karaan Al-Shabaab.

Hadda, kooxda Soomaalida waxay heli karaan oo keliya gantaallo, hoobiyeyaal iyo miinooyin, oo ay u adeegsato dagaalka ay kula jirto dawladda Soomaaliya – hub yar balse dilaa ah. Xuutiyiinta, marka la barbardhigo, waxay haystaan hubka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee drones-ka, oo ay ku jiraan kuwa biyaha hoostooda mara.

Mareykanka waxaa Soomaaliya ka jooga ilaa 480 askari, sida uu sheegay sarkaal Mareykan ah. Waxay Soomaaliya ka fuliyaan duqeymo joogto ah oo ka dhan ah kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here