Sir-ma qabe allow sahana Wiikileaks waxay qortay war laga arga-gaxo

0
868

Somalidu waxay tidhaa Sir-ma qabe allow sahana, warka wiikileaks soo bandhigtay in Somaliland heshiis la gashay Somalia iyo Puntland waa wax laga arga-gaxo oo laga cabsoodo. ilaahay baa xukuumadan kashifay oo in badan bay ummada been u sheegayeen oo ku tumanayeen. Si dhoqsa ah golaha wakiiladu mooshin ha uuga soo dhigaan oo Silaanyo xilka ha lagaga xayuubiyo. Somaliland rahman ayaa shicibku moodaayay in ictiraaf loogu maqanyay. Wasiirka madaxtooyada ee badowga foosta riixa ah isna ha loogu dhaarto in aan Wiikileaks lala murmi karin. Wiikileaks waxay soo bandhigeen 61 kun iyo dheeraad documents ah oo af carabi ku qoran oo cid kale daayoo dowladii Saudigu dafiri kari wayday. Dowladu wax badan bay qiiqa isku qarisay maanta ma jirto meel ay ku dhuumataa oo Wiikileaks baa qaawisay. Haduu Silaanyo dhoqso isu casili waayo shicibku ha gadoodaan oo ha iska qabtaan xukuumadan Fadaraalka saxeexday.
Thanks to Wiikileaks.
Abdi Mustafe
Abmustafe123@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here