Sir Laga Helay Dardaaran Cabdicasiis Samaale Siiyay Qurbejoog Uu Dhawaan Hargeysa Ku Casuumay.

0
751

39f123016ae1669f6d90fc0d3c4d36df_LHargeysa(Halsan)July-16-2015-Muuqaal sir ah oo laga helay kulan dhawaan dhexmaray Wasiirkii maaliyadda xukumadda Siilaanyo Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Qurbejoog beeshiisa ah ayaa muujiyay dardaaranka uu faray qurbejoogaasi oo ah in Beeshoodu yeelatay han Madaxweyne halkii hore Wasiir xigeenno iyo Wasiiro ku niyad samayd.

Cabdicasiis Samaale, oo aan saxaafadda lagu arag intii uu xilka iska casilay ayaa habeen dhawayd afur ugu sameeyay Hotelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa qurbejoog beeshiisa ah oo sida la sheegay lagu lafo guray hanka beesha iyo siday ugu diyaarsan tahay tartan ay hogaanka dalka u gasho.

“Waynu tartamaynaa,hankaas baynu leenahay,nasiibkeenaynu ka qaadaynaa, haddii la inaga badiyo waynu hambalyaynaynaa cidda inaga badisa waynuna dhisaynaa, sax saw maaha?. Haddii aynu badinana sidaas baynu rabnaa saw maaha?, taasna dhiiri galiya,waa tartan xalaal ah oo aan ceeb ahayn oo aan cidna cid aanay dhibayn, kubadda waa la wada ciyaaraa waa la kala badiyaa saw maaha, siyaasaddu waa kubad uun, qof walbana waxa uu isla hayo ayaa loo baahan yahay” sidaasi ayuu qurbejoogta beeshiisa u sheegay Cabdicasiis Samaale.

Muuqaal sir ah Telefishanka Bulsho ka helay Kulankan ayaa isagoo hadalkiisa sii wata Cabdicasiis Samaale waxa uu u sheegay martida uu la hadlayay in hanka beeshiisu leedahay aanu ahayn cidna lagu duulayo balse haddii umaddu garato ay qaban doonaan haddii kalena ay cida kale ee loo garto ku garab istaagi doonaan.
“Haddii barigii hore reerku Wasiir xigeen la haan jiray, maanta NO MORE wasiir ku xigeen, wasiir ku xigeen dambe way dhammaatay. Insha Allah NO MORE Wasiir baa xigi doonta, markaa hanka madaxweynaha ha la yeesho, si fududna laguma helo. Madaxweyne Siilaanyo waa madaxweynaha dalka, bal taariikhda uu soo maray si uu madaxweyne u noqdo soo baadha, waa taariikh dheer. Waa laga yaabaa Cabdicasiis waa kii wasiirka maaliyadda ahaaye muu wasaaradda waxbarashada iska tago,anigu marka horeba madaxweyne ayaan doonayay qofkuna hadduu han sare leeyahay meelahan hoose kuma meeraysto” ayuu yidhi Samaale.
Qorshaha Beelaysan ee Cabdicasiis Samaale oo u xusul duuban hogaanka dalkuk Kula dardaarmay Qurbjejoogta beeshiisa ayaa ah mid muujinaysa sida qabyaaladdu u saldhigatay Somaliland, islamarkaana Siyaasi kasta oo hogaanka dalka u ordayaa hoosta ugu wato beeshiisa halkii uu Bulshada Somaliland ku qancin lahaa hammigiisa iyo sida bulshadu isugu mid ugu tahay.

HALSAN MEDIA
HARGEISA SOMALILAND
SOURCE-RAMAAS NEWS