Silaca ay dadka qaarkood u marayaan sidii ay mar un Yurub u gali lahayaeen+ Sawirada:

0
642
Silaca ay dadka qaarkood u marayaan sidii ay mar un Yurub u gali lahayaeen+ Sawirada:

 

Dad badan oo Muhaajiriin ah oo ka tagay wadamo kuyaala Qaarada Afrika iyo Aasiya ayaa silac iyo saxariir badan waxa ay u maraan sidii ay mar un u gali lahaayeen Qaarada Yuriub oo ay aaminsan yihiin in ay ka helayaan nolol dhaanta mida ay dalkooda uga carareen.

Qaar kamid ah dadka Yurub ku yaacaya ayaa mara halis dhinacyo badan ah, qaar kamid ah dadkaasi ayaa halista badda u mara sidii ay Yurub ku tagi lahaayeen, halka kuwa kalana ay u maraan wadooyin kale oo dhibaato ku ah noloshooda.

Booliiska dalka Spain gaar ahaan kuwa ku sugan xadka ay wadaagaan Dalalka Spain iyo Moroko ayaa gacanta ku dhigay Tahriibayaal qaarkood lagu soo qariyay boorsooyin iyo kuwa kale oo iyana lagu qariyay kuraasta gaadiidka .

Dadkan ay booliiska qabteen oo sadex qof ah ayaa labo kamid ah lagu qariyay Miyaarada Gaariga hoostiisa halka mid kale oo Hwaeeney ahna iyana la hoos galiyay kursiga dambe ee gaariga ay ku safreysay .

Qof kale oo Tahriibayaashaasi kamid ah ayaa isna lagu soo xiray boorso si looga dhigo alaab, hasa ahaatee booliiska Spian ee xadka joogay ayaa arintaasi fashiliyay gacantana ku dhigay dadkaasi Tahriibayaasha iyo muqalasiintii waday .

Sidan oo kale ayey marar badan booliiska Spain u qabteen dad qaarkood lagu soo qariyay Matoorka gaariga, kuwa kale iyana gaadiidka la hoos galiyay, waxaana arimahan oo dhan yihiin kuwa halis galin kara nolosha qofka Tahriibaya.

Dalka Spain ayey caado ka noqotay in dadka la galinayo lagu soo qariyo boorsooyin iyo meelo kale oo halis ah, dadka qaarkood ayaa halis kala kulma meelahaasi lagu qariyo maadaama ay neeffta si aad ah ugu dhageyso ayna halis ugu jiraan in ay dhintaan.