Siilaanyo & Xukuumadiisu Waxay Waddankii Badeen Waxay Bareen ayaa Ka Sii Daran W/Q.Asha Jama

0
702

Siilaanyo & Xukuumadiisu Waxay Waddankii Badeen Waxay Bareen

ayaa Ka Sii Daran, Madaxweyne Aan Talinin, oo Hadana Xaqdaro Lagu

Difaacayo, Wasiiro, Maayiro Wadankii Boobaya oo Hadana La Difaacayo.

Waxaad Warbaahinta adaxweynaha oo Shicibkii oo Doortay Aan La Hadlin, oon Ka War Hayn

oo Isagii La Raadinayo Meel uu Jaan & Cidhib Dhigay, oo Hawshiisii Gudan Kari Waayey oo

xiitaa Bilaa Sharci Ku fadhiya, oo Siyaasiyiin, Madax Dhaqameed, Haween, Dhalinyaro Si Indh-

la,aana u Difaacaya oo Aad Arkayso Wax Xaqiiqda Ka Fog Ku Hadlaya oo aad Arkayso, In La

Iibsaday Caqligoodii, oo Aanay Ilaahay Dartii u Hadlayn Laakiin Ay Shilimo Ka Hadlinayaan.

Waxa Kale oo Jirta Maayirka Hargeysa oo ah Kii Ugu Wax Qabadka Xumaa, Uguna Qabyaaladay-

sanaa ee Hargeysa Soo Mara ee Wadooyinkii Hargeysa ay Wada Jajaban Yihiin, oo Xashiishku

Meel Kasta Buuxo, uu Hadana uu Ku Darsaday Qabyaalad loo Xaafada uu Ka Soo Jeedo ama uu

Degaankiisu Yahay uu Wax Ka Qabto, oo aanu Xaafadaha Kale aanu Isku Taxalujin.

Bal Waxaad u Fiirsataa, Faras Magaalaga Halka u ah Indhaha Magaalada ee Cid Waliba Soo Marto

ee Wadada Airportka Tagtga Waxa Fool xumo Dayac, & Jajab Ka Muuqata aan Indhahaagu Jeclaysan

ee uu Hadana Ku Faano Wadooyin ayaan Wax Ka Qabanay,

Kolkaasi Marka Dadka shicibkii Waxana Way Arkayaan, Hadana Waxay Ilaalinayaan Sharafta & Ta

Wadanka oo Intaasi Waxba Kama Sheegaan Dhaqan Xun ee uu Ku Dhaqmo Maayirku, oo Aad Moodo

Siduu usu Difaaco ama uu Ku anjabo, ama Masaakiinta uu Cashuurtooda Gurto siduu ugu Cagajugleeyo

ee Weliba Arxan daro uu Cagafo Meheradahooda u mariyo, oo uu Hadana Ku Darsaday inuu Xaafadaha

Caasimada uu ugu Kala Hiiliyo Qabyaalad & Degaano Jeclaysi, oo Inta uu Had Iyo Jeer Degmada 26 Juun

ama Degmadaa Kootbur & Wixii Dantaasi uun Wax u Qabto, Markii Shicibkii Xaafadaha Kale ay Ka Cawdeen

Laba Maayir ayaanu u Baahanahay oo Degmooyinka & Xaafadaha Kale Hargeysa wax u qabta, Waayo Maay-

irku Wuxuu Ka Badin Waayey Xaafadiisa.

Sidaas Darteed, Madax-Dhaqameedka Had & Jeer INdha La,aanta Ku Difaaca Madaxweyne, Wasiiro & Maayir-

ada Markay Qabyaalad Ku Shaqqeeyaan, & Kala Eexasho Umada ah Haka Waantoobaan oo Aakhiradooda Haw

Tudhaan, inay Xaq Daro & Shilimo La Siiyey Naftooda Ku Haligaan.

Sidii Imika Markii Maayirka Hargeysa Qabyaalada Cad ee uu ugu Kala Eexdo Degmooyinka Hargeysa Farta Lagu

Fiiqay ee Lagu hawaaqay Laba Maayir ayaanu u Baahan Nahay, Suldaankii Guud ee Indha La,aanta Ku Difaacay

Waayo Wuxuu Ka Badain Waayey Xaafadiisii.

Wabilaahi Tawfiiq