SIDEEN U QAABILNAA RAMADAAN.

0
141

SIDEEN U QAABILNAA RAMADAAN.

Tabintii: Axmed Cali Kaahin

كيف نستقبل رمضان .شهر الخير القرآن

Adoonka wanaagsani wuxuu ku qaabilaa, toobad saafiya, go’aan adag oo  ka faaiidaysiga khayrka wuxuuna ku camiraa camalo suuban Allaah baan ka tuugaynaa in uu cibaado suuban inoogu gargaaro samaynteeda inagana aqbalo.

Waxaan halkan kusoo gudbin doonaa barnaamij rag iyo dumarba hagaaya oo bisha Ramadaan ah. Aan isku dayno in aan kaga faaiidaysano saacad kasta oo saacadaha ramadaanta ah wixii faaiido iyo intifaac aakhiro iyo aduunba inoo leh.

BARNAAMIJKARAGA.

SUBAXA KA HOR.              قبل الفجر

  • Salaada Tahajudka ku dadaal , adoo mid gaara samaysanaaya habeenkii guriga التهجد قال تعالى ( أمن هو قانت آناء الليل ساجداً وقائماً يحذرُ الآخرة ويرجو رحمة ربه ) الزمر : 39
  • Suxuurta waxa ku jira barako badan ku dadaal. السحور : قال النبي صلى الله عليه وسلم ( تسحروا فإن في السحور بركة ) متفق عليه .
  • Wakhtigaa suxuurtu waa wakhti dahabiya oo Allaah swt. Dambi dhaaf la waydiisto. الاستغفار إلى أذان الفجر قال تعالى ( وبالأسحار هم يستغفرون ) الذاريات : 18
  • Tuko labada rakcadood ee ka horeeya Salaada subax, waxay ka qiimo badan yihiin aduunyad iyo waxa dhexyaala. السحور : قال النبي صلى الله عليه وسلم ( تسحروا فإن في السحور بركة ) متفق عليه

WAABARIGA KA DIB.   بعد طلوع الفجر

  1. U kalah salaada subax. قال النبي صلى الله عليه وسلم ( ولو يعلمون ما في العتمة والصبح لأتوهما ولو حبواً ) متفق عليه .
  2. Ku mashquulida dikriga, ducada ilaa la aqiimayo. قال النبي صلى الله عليه وسلم ( الدعاء لا يرد بين الأذان والإقامة ) رواه أحمد والترمذي وأبو داو
  3. Masaajid oo lagu sugnaado Quraan, iyo Dikri, lana fadhiyo ilaa cadceedu soo baxayso.فقد كان النبي صلى الله عليه وسلم إذا صلى الفجر تربع في مجلسه حتى تطلع الشمس . رواه مسلم
  4. Ka dibna Laba rakcadood tuko marka cadceedu soo baxdo waxay u dhigmaan Xaj oo kale ajarkii, قال النبي صلى الله عليه وسلم ( من صلى الفجر في جماعة ثم قعد يذكر الله حتى تطلع الشمس ثم صلى ركعتين كانت له كأجر حجة وعمرة تامة تامة تامة ) رواه الترمذي
  5. In aad ku ducaysato in Rabbi kuu barakeeyo maalinta ducadana akhrisato. : قال النبي صلى الله عليه وسلم ( اللهم إني أسألك خير ما في هذا اليوم فتحه ونصره ونوره وبركته وهداه وأعوذ بك من شر ما فيه وشر ما بعده ) رواه أبو داود
  6. In aad hurdo nasasho ah hesho adoo iyada lafteeda ku ajar dalbaaya Mucaad R/c waxa uu yidhi waan xisaabsadaa hurdadad sida camalkayga oo kale, si firfirconi cibadada ugu hesho. : قال معاذ رضي الله عنه إني لأحتسب نومتي كما احتسب قومتي
  7. In aad shaqo tagto majiro arsaaq ka khayr badan ta la xoogsadaa. قال النبي صلى الله عليه وسلم ( ما أكل أحد طعاماً خيراً من أن يأكل من عمل يده وإن نبي الله داود كان يأكل من عمل يده ) رواه البخاري
  8. In wakhtiga firaaqadada oo dhan, dikrigu carabkaag ka qalalin, ahlu januhu waxay ka xumaadaan in saacad soo martay aanay Rabbi swt xusin. قال النبي صلى الله عليه وسلم ( ليس يتحسر أهل الجنة إلا على ساعة مرت بهم ولم يذكروا الله تعالى فيها ) رواه الطبراني

Sadaqada la bax si aad ducada Malaga, u hesho ee yidhaa, Allaw sii ka bixiya abaalka wanaagaa. دعاء الملك : اللهم أعط منفقاً خلفاً

Eray Tabintii: Axmed Cali Kaahin waxa xigi doonaa haddii Allaah idmo qaybta 2aad oo Dumarka ah.

Aakaahin@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here