looga gudbi karo abid (marka war la helaaba talo la helaa!) Dr.khadar maxamed faahiye.
Meersiga abuuraha dhul iyo deegan ba ee figta geeska Africa gaar ahaan degsiimooyinka
soomaalidu degto waa saxare la mood aad ugu nugul abaaraha taxanaha ee isdaba
yaaley sannado fog oo fidsan , kana dhasha dabciga sameysinka dhulka oo ay ka dhalato
roob la’aan iyo biyo yari , ku waas oo dad iyo duunyo tiro leh salfadaan ama ay ku
galbadaan abaarahaasi sanad walba .
Sidani waa dabeecada dhulka iyo qaab dhismeedkiisa !! side looga bixi karaa abaaraha
bariinsadey geeska gaar ahaan Somaliland?
somalidu waxay tidhaa: ( ninka maanta waxa jooga aan garan barito ma odorooso)
Waxa waliba waa suuragal nolosha , sidani waa sida looga bixi karo abaaraha ,
- in la qaabeeyo ,la fuliyo tusmo iyo aragti xoola raacatada laga dhigayo xoolo
dhaqato beeraley aan guur-guurin, oo reer guuraaga lagu deegaameeyo, looguna
beersameeyo deeganadooda.
- in la dajiyo siyaasadii deegaan waliba ku helilahaa biyo ku filan beerashada midhaha
iyo calafka xooluhu quuto,waayo sida deegaan waliba biyo lacabo u leeyahey ayuu biyo
beerashana u leeyahey.
- in la siiyo tababaro iyo farsamooyin u fudeydinaya xoolo dhaqata beeraleyda habab
kala duwan oo ay waxsoo-saar kagala soo bixi karaan beeraha ay sameysteen midho la
quuto, iyo calaf xooluhu daaqi karo ,tayada caanaha iyo cadkaba kordhinaaya sida
(sudanic grass ,alfa –alfa etc) siidh kaasi oo ay dawladu u soo iibineyso beeraleyda iyo xoolo
dhaqatada ama hay’adaha u farto ; siidh cawseedkaasi oo xataa buuraha iyo banaanka si
furan loogu shiniyeeyn karo .
- dawladu lacag dhan $ 0.5 ha dulsaarto neef walba oo xoolaha dhoofaaya ah mudo 2 sano
ah ama ba haloogu qaybiyo lacagta loo jaro dariiqa ceerigaabo ee calaa neefka dhoofaaya
loo saarey, lacagtaasi si dawladu ugu maal-galiso mashruuca dib u xooleynta dadyowga
abaaruhu barakiciyeen amaba xoolihii ka bexeen, tani waa qayb ka mid ah siyaasad dib u
dajineed hadii la fuliyo.
- in dawladu ku amarto haya’daha dalka ka hawlgala in ay faraan mashruucan dib u
xooleynta ah si ku filan , hadii la sameeyo dib u xooleyn haboon mudo 2 sano ah ,waxa hubaal
ah , xoolo dhaqatadu dib ayey u xooleysanayaan ,iyana wey ku nagaanayaa
degsiimooyinkooda, dalkana dhaqaalihiisu uu kobcayaa , xooluhuna wey badanayaan ilaahey
Faa’iidooyinka ku duugan fulinta qodobada sare maxaa ka dhalan kara ??
Somalidu waxay tidhaa: ( Tacab baa lagu tisqaadaa ee tuugsi lagu ma dhargo!!)
- waxa laga tashadey abaartii, xoola raacatadii oo loo rogey xoolo dhaqato beeraley.
- reer guuraagii oo deegaamoobaya iyo dhulkii oo dhismaya.
- wax-soosaarkii xoolaha cad ,caano ,tiro iyo tayo ba oo kordhaaya,waayo xoolahu
marka xareysanyihiin ama beer ku jiraan waxa ay ku sugan yihiin xaalad tamar ked ah,
halka markii ay xooluhu raacato ahaayeen waxa kasta oo ay cunaan ku luminayeen
- dawladu cashuur iyo dakhli ayey ka helaysaa beero xooladada oo dhaqaalaha dalka
ayey wax ku kordhineysaa.
- waxa fududaaneysa daaweyntii,talaalkii, hido xafidkii xoolaha,tayeyntii, iyo in xoolaha loo
horumariyo qaab ah xoolo caanood sooc ah iyo xoolo hilib soosaarka u gaar ah.
Dr.khadar maxamed faahiye