Sida Ay Xuutiyiintu Ku Heleen Hubka Badda Hoos Mara

0
110

Sida Ay Xuutiyiintu Ku Heleen Hubka Badda Hoos Mara

 

Maraakiibta ganacsiga iyo maraakiibta dagaalka ee ku sugan badda cas ayaa marar badan waxaa lagu weeraray gantaalaha lidka maraakiibta, gantaalaha ballistic-ga ah, iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, waxaana hadda soo ifbaxday khatar hor leh oo biyaha hoosteeda ah. Tani waa sida laga soo xigtay machadka ciidamada badda ee Maraykanka.
18-kii Febraayo, Taliska Dhexe ee Mareykanka ayaa ku dhawaaqay in ciidamada badda ee ku sugan Badda Cas ay burburiyeen markab aan cidina wadin oo marayey biyaha Xuutiyiinta ay maamulaan ee Yemen.

Maalmo yar ka hor, taliska dhexe ee Mareykanka ayaa soo saaray war saxaafadeed ku saabsan falkii ciidamada badda ee Mareykanka ay ku qabteen hub ka yimid Iiraan una socday Xuutiyiinta Yemen bishii Janaayo ee la soo dhaafay. War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in shixnadda ay ka kooban tahay gantaalada riddada dhexe, walxaha qarxa, qaybo ka mid ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, maraakiibta quusta ee aan cidina wadin, qalabka isgaarsiinta, gantaalada hagaya taangiyada, iyo qaybo kale oo saanad ciidan.

Kadib waxaa soo baxay ku dhawaaqista Xuuthiyiinta markii hogaamiyaha dhaqdhaqaaqa Ansaru-Allah ee Xuutiyiinta, Cabdal Maalik Al-Xuuti, uu sheegay Khamiistii in ciidamadoodu ay haystaan “hubka mara badda hoosteeda” si u taageeraan Falastiiniyiinta.
Wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganaysa khubadda Al-Xuuti oo laga sii daayay taleefishinka ayaa yidhi: “Waxaan kusoo kordhinay iska hor imaadka ka socday Badda Casa hubka mara badda hoosteeda, waana hub uu cadawgu ka walwalsan yahay”.
Scud Soviet B1C oo gaaraya masaafo dhan 300 km
Gantaalka Waqooyiga Kuuriya Hwasong 5, masaafo dhan 300 km
Gantaalka Waqooyiga Kuuriya Hwasong 6, masaafo dhan 600 km
21 Scarab Soviet, masaafo dhan 70 km
Earthquake 3 (Dhul-gariir) oo Iiraan lagu farsameeyo 250 km
Qaher 1 midowgii Soviet, masaafo dhan 250 km
Diyaarada C802 waa Shiine, waxa ayna u dhaxaysa 120 ilaa 180 kiiloomitir
Awoodda milatari ee badda
Mandab 1 waa gantaal Shiinees ah oo gaaraya 40 km
Mandab 2 waa Iranian waxa uuna gaarayaa 250 km
Shaale Iiraan 180 km
Rubies Soviet oo gaaraya 80 km
Quddus Iiraan ayaa isna farsamaysa, 800 km ayuu gaarayaa
Duufaan oo Iiraan ka yimid asna, masaafo dhan 450 km
Fiyuus, Iiraan 140 km
Gantaalka Badda Cas isna waxa uu ka yimid Iiran lamase garanayo masaafada uu jari karo
Awoodda milatari ee Xuutiyiinta guud ahaan
Weerarradii ugu dambeeyey ee lagu qaaday maraakiibta ku sugan Badda Cas ayaa la arkayey Xuutiyiinta oo adeegsanaya gantaallada maraakiibta iyo kuwa riddada dheer, diyaaradaha iyo doomaha iskood is wada.

Qayb ka mida weerarradii ay ku qaadeen maraakiibta ayey Xuutiyiintu isticmaaleen doomo yar yar iyo diyaaradaha qumaatiga u kaca.

Diyaaradda nooca an duuliyaha lahayn ee ‘Kamikaze’ ayaa Xuutiyiinta loo malaynayaa in ay adeegsadeen taas oo iyagu ugu yeeraan Qasef oo qaab samayskeda qaybta dambe ay u samaysan tahay sida xarafka V ee luqadda Ingiriiska, hubkaas oo Xuutiyiintu u heleen markii hore in ay u istcimaalaan sidii ay uga hortagi lahayeen xulufada Sucuudiga.

Sida uu sheegay Machadka Washington ee Siyaasadda Bariga dhow, Xuuthiyiinta ayaa heysta gantaalada kala duwan ee ka hortagga maraakiibta, kuwaas oo gaaraya masaafo dhan 40 ilaa 300km, oo ay ku jiraan gantaalada Sayyad iyo Sejjil.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here