Sida Ay Ciidamada Israa’iil U Toogteen Qaar Ka Mid Ah Dadkii Ay Xamaas Qafaalatay

0
105

Sida Ay Ciidamada Israa’iil U Toogteen Qaar Ka Mid Ah Dadkii Ay Xamaas Qafaalatay

Saddex nin oo Israa’iiliyiin ah oo Jimcihii ay si khalad ah ugu dileen ciidamada Israa’iil gudaha Qasa ayaa haraaga cunto u isticmaalay qoraal ay ku codsanayaan in la caawiyo, sida ay sheegtay Israa’iil.

Raggan ayaa “in muddo ah”, ku sugnaa dhisme ku xigay halka lagu toogtay sida ay sheegeen ciidamada difaaca Israa’iil (IDF).

Saraakiishu waxay qirteen in markii uu dhacayay dilka raggaas oo wateen calan cad kaas oo lid ku ah “sharciga hawlgalka”.

Israa’iil waxaa saaran cadaadis sii kordhaya oo ku saabsan heshiis lagu sii daaynayo dad badan oo ay weli Xamaas gacanta ku hayso. Ilaa 120 qof ayaa la rumeysan yahay inay weli ku jiraan gacanta Xamaas.

 

Waxa dadkaas gudhada Israa’iil laga qafaashay intii lagu guda jiray weeraradii 7-dii Oktoobar ee Xamaas ee lagu dilay ku dhawaad 1,200 oo qof kaas oo ka dhacay koonfurta Israa’iil.

Israa’iil ayaa qaaday hawlgal ballaaran oo aargoosi ah oo ay sheegtay in ay ku doonayso in ay ku burburiso Xamaas.

In ka badan 18,000 oo qof ayaa lagu dilay Qasa tan iyo markaas, sida ay sheegeen maamulka caafimaadka ee deegaanka, iyadoo boqolaal kun oo kale lagu qasbay inay guryahoodii ka qaxaan.

Ragga la haystayaasha ee ay Israa’iil toogatay ayaa magacayadooda lagu sheegay – Yotam Haim, 28 jir, Samer Talalka, 22 jir, iyo Alon Shamriz, 26 jir- waxaana lagu dilay xaafadda Shejaiya ee magaalada QaSa Jimcihii iyadoo ciidamada Isra’iil ay la kulmayaan iska caabin adag.

Sida uu sheegay sarkaal ka tirsan ciidamada Israa’iil oo diiday in magaciisa la shaaciyo, raggan ayaa ka soo baxay dhismo iyaga oo shaarar la’aan ah, oo mid ka mid ah uu sitay ul ay ku jirto maro cad.

Mid ka mid ah askarta, ayuu sarkaalku intaa ku daray in uu dareemay cabsi, maadaama raggan ay u jireen masaafo tobanaan mitir ah, waxayna ku sheegeen inay yihiin “argagixiso” ka dibna ay rasaas ku fureen. Laba ka mid ah ayaa isla markiiba la dilay halka midka saddexaad oo dhaawac ah uu dib ugu laabtay dhismaha.

 

Qaylodhaan gargaar oo afka Cibraaniga ah ayaa la maqlay, waxaana taliyaha guutada uu markiiba amar ku bixiyay in ciidamada ay xabadda joojiyaan. Ninkii dhaawaca ahaa ee dib ugu cararay dhismaha ayaa markii dambe dib u soo baxay, isagiina waa la toogtay, sida uu sheegay sarkaalku.

Ma cadda in la haystayaasha ay ka tageen kooxihii afduubka u haystay iyo in ay soo baxsadeen.

Axadii, ciidamada Israa’iil waxa ay sheegeen in baaritaan lagu sameeyay dhismaha lagu arkay farriimo caawinaad ay ku dalbanayaan raggan taas oo ay ku qoreen maro cad.

Saraakiisha ayaa rumeysan in dadka la qafaashay ay halkaasi ku sugnaayeen muddo ah.

Tan iyo markii ay dhammaatay xabbad joojin ku meel gaar ah oo u dhaxaysay Israa’iil iyo Xamaas horaantii bishan, qoysaska la haystayaasha ayaa ku booriyay xukuumadda Israa’iil inay gaarto heshiis cusub oo ugu yaraan qaar ka mid ah maxaabiista lagu sii daayo. Heshiiskii hore ayaa horseeday in la sii daayo in ka badan 100 qof oo ka mid ah dadkii ay Xamaas ka soo qafaalatay gudaha Israa’iil, kuwaas oo lagu beddeshay falastiiniyiinta ku xiran xabsiyada Israa’iil.

Raysal wasaare Benjamin Netanyahu ayaa diiday baaqyada, isagoo ku adkeystay in “cadaadis ciidan uu lagama maarmaan yahay si ay dib ugu soo laabtaan la haystayaasha iyo la gaaro guusha”.

Iyadoo ay sii kordhayaan khasaaraha dadka rayidka ah ee Falastiiniyiinta, mas’uuliyiinta Israa’iil waxa ay la kulmeen cadaadis caalami ah oo isa soo taraya, oo uu ku jiro Mareykanka oo ah xulafada ugu weyn ee Israa’iil.

Axadii, wasiirka arrimaha dibadda ee Faransiiska Catherine Colonna waxay tagtay Israa’iil iyadoo ku baaqaysa “xabbad joojin degdeg ah oo waarta”.

Dhigeeda Israel Eli Cohen ayaa sheegay in xabad joojintu ay noqon doonto go’aan khaladan, isaga oo ku sifeeyay hadyad la siiyay Xamaas.

Ingiriiska iyo Jarmalku waxay sidoo kale ku baaqeen “xabad joojin waarta”, iyagoo ka gaabinaya inay yirahdaan waa inay degdeg noqotaa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here