Shirkadda la wareegaysa gacan ku haynta dekada Berbera oo yeelan doonta Board 9 xubnood ka kooban oo uu ku jiro Bashe Morgan

0
696

Dubai(Halsan):- Shirkadda la wareegi doonta gacan-ku-haynta dekadda Berbera oo ay wadayeelan doonaan Somaliland(35%) iyo shirkadda Dubai Ports World(65%) ayaa siday tilmaayaan macluumaad cusub oo ku saabsan heshiiskii ay labada dhinac ay waqti hore oo bishan ah ku kala saxeexdeen Dubay,waxay yeelan doontaa board of directors ka kooban 9 xubnood oo dhinaca Somaliland laga siin doono 2 xubnood oo uu ka mid yahay wiilka uu madaxweyne Siiraanyo soddoga u yahay ee Baashe Cawil Morgan.Xogo dheeraad ah oo arintan ku saabsan ayaa iyana tibaaxaya in shirkadda cusub saami (share) looga qoondeyn doono Baashe Cawil iyadoo mudada heshiisku tahay 30 sanadood isla markaana ay shuruudahiisa ka midtahay in inta uu socdo aanay Somaliland dekad kale Berbera ka dhisi karin.

Xukuumadda Somaliland ayaa ilaa hadda diidan inay tafaasiisha heshiiskan shacbigeeda u soo bandhigto.

Haatuf

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here