Shirkadaha Shidaalka ma ka caqli xumaa mise waa lagu qasbay by Abdi Mustafe

0
663

Maamulka shirkadaha shidaalku ee lagu wareejiyey haamihii ummada ka dhaxeeyey miyaanay fikirin ma wada damiiniin baa mise dowlada ayaa marka horeba dhacday oo lacag laxaad le ka qaadatay oo meel ay ka soo noqdaan bay waayeen. Way ogyiin in golaha wakiiladu aqlibiyad ku laaleen in haamaha la wareejiyo. Wey arkayaan in dagaalo iyo mudaharaado ka dhaceen. Miyaanay caqli lahayn ay ku gartaan in dowladii timaadaaba ka wareejinayso oo ay mar labaad khasaarayaan. Marka maxkamada loo diro ee la tuso in afartan xildhibaan aqlibiyad ku laaleen ilbidhiqsi ayaa haamaha gacanta dowlada loogu soo celinayaa. Hadaba maamula yaasha shirkadaha shidaalka ee lagu wareejiyey haamaha ha ogaadaan in aanay hadhow dowladu bixin doonin wixii ay iska geliyaan ee qarash ah. Hadii ay qalad u galeen markii hore sida la sheegayo oo lacag lagaga lunsaday haamaha ayaannu 20 sano idinku wareejinayanaa iminkana yaanay sii gelin khasaare intii ka weyn sabab too ah marnaba suurta geli mayso in dad gaara la siiyo hanti dalka ka dhaxaysa. Waxba yaanay Morgan iyo Amina Weris idin odhan qasab baannu haamaha idinku wareejinay ee waxa ka danbeeya eega oo dib uuga laabta in taydaan mar labaad khasaare buuran aydaan gelin.

Abdi Mustafe

Abmustafe123@gmail.com