Shirkada SOMCABLE, Waxay Somaliland Ka Hirgelisay Internet Tayadiisu Sarayso:

0
642

Muddo ayaa la sugayey furitaankaa company-ga weyn ee SOMCABLE, kaasoo ah mid baahi weyn loo qabay si ay bulshadu u hesho internet daboola baahiyaha bulshada Somaliland.

Hadaba waqtigan waxa lagu guulaystey in company-ga SOMCABLE, uu dalka oo dhan ka hirgeliyey internet xawaarihiisu sareeyo oo la mahadiyey, kaasoo ah mid leh power fiber optic, waxaana muuqata in bulshadu meelkasta oo ay joogti ay heli karto internet ku filan.

Sida aynu wada ognahay waqtiga casriga ah ee lagu jiro internet-ku wuxuu noqday qayb ka mid ah nolosha bini’aadamka, taasoo ay maalin walba waqtiga kasta ay u baahan yihiin in ay isticmaalan internet.

Maaha mid shaki ku jiro in shirkada caalamiga ah ee SOMCABLE, dalka iyo dadkaba u soo kordhisay horuumar dhinaca isgaadhsiinta internetka  ah, taasoo ay dad badani ka heleen shaqooyin, bulshaduna ay ka heshay internet tayo leh.

Sida aynu wada ognahay in badan ayay dalkeena ka jirtey dhibaato internet xumo, balse maanta waxa la helay internet lagaga baxayo baahihidii jirtey ee dhinaca internetka, taasoo uu dalka keenay company-ga SOMCABLE, ee uu mulkiilaha ka yahay ganacsadaha wayn ee Maxamed Aw siciid Geedi, oo runtii aan odhan karo dalka iyo dadkaba wax wayn buu u soo kordhiyey, wuxuuna ka hor-qaaday caqabad bulshada in badan haysatey oo ah internet la’aan baahsan.

Si kastaba ha ahaatee maanta bulshada Somaliland waxay nasiib u heshay internet aad fiican xawaarihiisu, sidoo kale qiimihiisu jaban yahay, waana horuumarka ay ku tallaabsatay shirkada wayn ee SOMCABLE oo ka mid ah shirkadaha dalka ugu waaweyn uguna caasan.

Shirkada SOMCABLE, oo uu leeyahay mulkiilaha Maxamed Aw Siciid Geedi, waa shirkada ka qayb qaatada horuumarka dalka iyo in ay shaqooyin badan ka helaan dad badan oo ka mid ah bulshada Somaliland qaybeheeda kala duwan, waana shirkad u taagan ka shaqaynta horuumarka dalka.

 

Ugu danbayntii shirkada SOMCABLE, waxay dabooshay baahi muddo dheer jirtey oo ahayd dhinaca internet, taasoo maanta bulshada Somaliland ay wada helaysey internet tayo leh, qiimihiisuna macquul yahay, waxaana leehaya hambalyo shirkada SOMCABLE iyo ganacsade Maxamed Aw Siciid Geedi.

 

 

Qore: Abdilahi Axmed Caarshe, Hargeisa, Somaliland