Hargeysa(Halsan):- Shirkada isgaadhsiinta Casriga Ee TELESOM oo ah ta dhinaca isgaadhsiinta ugu wayn gayiga Somaliland Ayaa si adag uga jawaabtey maanta warar maalmihii ugu dambeeyey lagu baahinayay baraha bulshada kuwaasi oo nuxurkoodu ahaa in shirkada Telesom qaar ka mid ah xisbiyada qaranka ay siisey Xogta Dadka isku diwaan galiyey in ay codeeyaan doorashada Madaxtooyada Somaliland.
Cabdisalaan Ismaaciil Nuur Oo ah Madaxa Ganacsiga Shirkada isgaadhsiinta Telesom oo qaybo warbaahinta ka mid ah kula hadlay xarunta Guud ee Shirkada Telesom ee magaalada Hargeysa waxa uu sheegay in wararkaasi laga baahiyey shirkadu yihiin warar aan sal iyo Raad toona lahayn Shirkada Telesom-na aanay wax xog ama macluumaad ku saabsan cod bixiyayaashu gacanteeda ku jirin.
Madaxa Ganacsiga Telesom Cabdisalaan Ismaaciil Nuur waxa uu ka dhawaajiyay in shirakadu cadayn uga baahan tahay cid kasta oo ku eedeysay arrintan bixinta xogta cod bixiyayaasha doorashada Somaliland.