Shirkada Dahabshil Group: Daryeel Dadweyne iyo Adeegyo Casriya oo is Dabajoog ah!

0
782

Shirkada Dahabshil Group: Daryeel Dadweyne iyo Adeegyo Casriya oo is Dabajoog ah!

Inta La Ogyahay Shirkada Dahabshiil oo Ka Shaqeysa Badiba Deegaanada Ay Somaalidu Degto iyo Wadamada Adduunka intooda badan iyada oo door weyn ku leh Gacan qabashada Ganacsatada yaryar, maalgalinta waxbarashada iyo caawinta bulshada somaalida ah meelkasta oo ku sugan yihiin iyo sidoo kale hirgalinta dhinaca adeegyo bulshadu ku diirsato oo wakhtiyo yar uun ka hore bulshadu dhaqaale badan ku bixin jirtay.

Shirkadda waxa aasaasay isla mulkiilaha shirkadda, Mudane Maxamed Siciid Ducaale sannadkii 1970. Waxayna mulkiilaha iyo qoyskiisu markiiba u dhalan rogeen shirkaddii xawaalad caalamka oo idil ku baahda, oo Wakiilladeeda iyo Shirkadaha kale ee ay la bahowdey awood u siiya Macaamiisheedu inay lacago u soo diraan qoysaskooda iyo asxaabtooda ku nool Geeska Afrika. Shirkadda oo afartan sannadood ka hor hal goob ka soo aasaasantay, maanta waxa ka hawlgala oo u shaqeeya in ka badan 5000 oo qof oo adduunka meel kasta ka jooga.

Kor u Kacaasi Balaadhan ee Shirkadu Sameysay Waxaa marwalba qayb ka ahaa bulshada adeega ay u qabato iyo habka iyo hanaanka kalsoonida lagu qabo ee ay shacabka ugu adeegto, sidaas oo ay tahay haddana Dahabshiil group marnaba kama ay madhnayn Caawinta iyo Gacan qabashada bulshada kala duwan ee aaney la’aanteed halkaa gaadheen.

Shirkadaha Dahabshiil Group Waxay Isku Xidh Dhinac Dhaqaale iyo nololeedba isku xidhay Bulshada  Somalida Kuwa ku nool Qurbaha iyo kuwa ku nool dalka gudihiisa oo Ay Suurto galisay in qurbajooga ku nool dalalka dibadu dhaqaale usoo diraan shacabka somaalida ah ee ay ehelada iyo qaraabada yihiin

Waxaan cidna indha ka qarsan Karin doorka ay Dahabshiil ku leedahay Dhismayaasha iyo Koboca Dhinaca hirgalinta maalgashiyada kala duwan ee dalka Somaliland ay ku sameysay.

Hadaba  waxaynu kasoo qaadan karnaa doorkii lama ilaawaanka ahaa  ee shirkada Dahabshiil  u qabatay Bulshada Somalida  Sannadihii tagay islamarkaan wakhtigan lajoogana ay ku guda jirto:

  1. Masiibooyinka dabiiciga ah “ Abaaraha”
  2. Wadooyinka Iyo Dhismahooda
  3. Dhismayaasha Xarumaha Caafimaadka
  4. Taakuleyna Qaxootiga Yaman
  5. Waxbarashada iyo dhiirigalinta aqoonta
  6. Dhiirigalinta Ganacsiyada Yaryar

 

Haddaba, Shirkadda dahabshil Group oo ka kooban , Remittance ,Somtel, eDahab, Dahabshiil Bank, MicroDahab, Dahabshiil Motors iyo Hyundai ayaa Carwadii 8aad ee Ganacsiga ku soo bandhigtay wacdaro kala duwan oo dhinacyo badan lahaa, islamarkaana waxay qiimo dhimis  u sameeyeen Macaamiishooda, sidoo kale waxa ay kusoo bandhigeen Carwadda Adeeg-yo Cusub oo uu ka mid yahay DahabPay Portal oo ah adeeg Online ah, waxa sidoo kale Shirkadda Dahabshiil Motors kusoo bandhigtay Carwadda Gawaadhidda Hyundai oo Markii u horeysay Dalka La keeno.

Gunaanadkii , Waxaa la odhan karaa shirkada Dahabshil Group waxay ugu jirtaa bulshada somalida guud ahaan meel aad iyo aad u mudan in marwalba la xuso haddii ay tahay Taalulaynta dhinacyada badan leh ee aan sare kusoo xusay iyo haddii ay ahaan lahayd adeegyada Casriga ah ee is daba jooga ee ay usoo gudbinayso bulshada guud ahaan.

Wabillahi tawfiq

Cabdirasaaq Sh Cali

Hargeysa ,Somaliland