Shirguddoonka Wakiillada Oo Eedaymo Is Dhaafsaday Gacan Ka Hadalkii Ka Dib

0
647

Hargeysa(Halsan): – Guddoomiyaha golaha wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro iyo guddoomiye xigeenka 1-aad ee  wakiillada Baashe Maxamed Faarax oo maanta dagaal ku dhex maray fagaaraha laga guddoomiye fadhiyada wakiillada ayaa isu jeediyay eedaymo. Waxay bulshada ka raaligaliyeen gacan ka hadalka dhexmaray labada guddoomiye.

Guddoomiyaha Wakiillada ayaa gacan ka hadalkii sidan uga hadlay “Shacbiga Somaliland iyo golaha wakiilladaba waanu ka raali galinaynaa wixii meesha ka dhacay maanta. Goluhu wuxuu maanta u fadhiistay kalfadhigiisii caadiga ahaa oo hawshiisii ayuu watay, waxaana socotay doodii xeer hoosaadka, dabadeed mudaneyaal ayaa mooshin keenay, sidii caaddada ahayd waanu ka qabanay, waxaanu akhrinay magacyadoodii, wuxuuna la ujeeddo noqday mooshinku kii hore ee ku saabsanaa Haamaha shidaalka Berbera, sidaas daraadeed xeer hoosaadku ma ogola mooshin isla kalfadhigan la keenay in la soo celiyo, sidaas darteed waxaanu nidhi wuxuu mooshinkani ansax yahay kalfadhiga dambe.

Haseyeeshee meesha waxaa ku talogal ugu jirtay fawdo in laga bilaabo, guddoomiye xigeenku isagoo ku tuntay nidaamkii iyo sharciyaddii qaranka ayuu shir guddoonkii iska qabsaday anigoo fadhiya, wuxuu iska bilaabay hadal isagoo leh ha la codeeyo, anigiina aan fadhiyo oo golihii aanu u sheegnay sidii xeer hoosaadku jideeyay golihiina ku qancay,” ayuu yidhi Mr Cirro.

Guddoomiye xigeen Baashe Maxamed Faarax, ayaa isna sidan uga hadlay dhacdadaasi “ Isagaa bilaabay gacan ka hadalka, isagaana ku horeeyay gacanta, haddii uu sidii guddoomiye u dhaqmi waayo, loola dhaqmi maayo, guddoomiye maaha, waxaanu wada nahay shir guddoon taladana waanu wada leenahay, markaa shirguddoonku wuxuu goostay in soo jeedin la sameeyo oo cod la galiyo, waxay ahayd inuu yidhaahdo miyaynu u codaynaa mise kalfadhiga dambe ayaynu gaynaa, waa nin badheedhsan, waa guddoomiye xisbi golahana dhex uma aha, wixii hadda ka dambeeyana uma aqoonsanayno guddoomiye, shacabkana waanu ka raali galinaynaa wixii dhacay,” ayuu yidhi Mr Baashe.

Inkasta oo hore Xildhibaannada Wakiillada gacan hadal u dhex mari jiray, haddana shirguddoonka ayaa maanta arrintoodu u muuqatay mid cusub, maadaama fadhigu ahaa mid xaasaasi ah. Hore ayaa looga bartay Baashe Maxamed Faarax, inuu golaha dudmo kaga baxo marka lagaga xoog roonaado, balse maanta ayuu maroorsaday makarafoonka iyo shirguddoonka wakiillada.

Guddoomiye Cirro ayaa gacan hadal ku bilaabay Mudane Baashe kadib markii Baashe damcay inuu cod galiyo mooshinka la isku hayay, xilli guddoomiye Cirro fadhiga golaha soo xidhay, taas oo kala dambeyntii golaha khalkhal galisay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here