Shir lagu gudoominaayay in la dagaalamo oo Siilaanyo soo qaban qaabiyay ayaan hor istaagay waanu i caayay xaaskiisuna way i eryatay markii aan kadinka ka baxay qiso cajiiba mujahid Cali Xaraaro

0
599

Waaggii Shaqada Loo Diiday Aamina Maxamuud Jirde (Aamina Waris)
Mujaahid Cali Cismaan Libaax (Mujaahid Cali Xaraaro)

Sanadkii 2008 Axmed Siilaanyo oo xiligaa mucaarid ahaa ayaa iskugu yeedhey xubno ka tirsanaa golihii dhexe ee xisbiga kulmiye ka dibna dhawriyo lixdan xubnood ayaa iskugu yimid hool ku yaaley gurigii uu degenaan jirey Axmed Siilaanya shirkaa waxa gudoominayey Axmed Siilaanyo isaga ayaana furay waxaanu ku bilaabay hadalkiisii waa wada ogtihiin in xaaskayga loo diidey shaqadii ay ka heshey hay’ada qaramada midoobey waxaana u diidey Daahir Reyaale iyo xaaskiisa markaa waxaan id…inka doonayaa sidii aynu u waajihi lahayn arintan ineynu is tusno oo nin walba aragtidiisa halkan ka sheego,
Anigu xiligaa waxaan ka mid ahaa golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye rag badan ayaa shirkii ka hadlay raga ayaa soo jeediyey imikadan qoryaha hala soo qaato oo xabada halaga bilaabo albaabka m/tooyada markay halkaa marayso ayaan kacay oo aan weydiiyey ragii mushaharka shaqada loo diidey marwo Aamina weris waxaana ii jawaabey nin la yidhaahdo Cali Kubed oo yidhi lacagtu waa kun iyo shan boqol oo doolar ka dibna waxaan idhi kol hadii lacagtu intaa tahay waxay ila tahay ilama haboona halagu dhinto waxa ka fiican inagoo iska ururina hadiise leedihiin hala dhinto waxa ka magac roon inagoo ina Reyaale ku qabsana kursiga iley waxa la odhanayaa ragu muxuu ku dhintey rag badan ayaa aad u qoslay uuna guuxay aragtidii aan soo jeediyey intaas ka dib axmed siilaanyo oo aad u cadhaysan ayaa kacay oo cay iyo aflagaado isku kay raaciyey waxaana ka mid ahaa waaryaa waad af xuntahay anagu ma lacag baanu kaaga baahan nahay waxani waa qadiyad ka dibna dhawr nin ayaa Axmed Siilaanyo ku yidhi gudoomiye Cali ra yigiisa ayuu ka hadlay markaa meel baad ka dhacday hadana axmed siilaanyo ragii sidaa yidhi ayuu ku xanaaqay jawigii shirkuna wuu is bedeley in yar ka dibna shirkii ayuu xidhey isagoo sii caytamaya markii aan debeda u soo baxay ayey dhawr dumara oo ay ka mid ahaayeen marwo Aamina-weris iyo Sem sem ayaa weerar igu qaaday dabeetana cagaha ayaan wax ka deyey markaa akhriste horta dadka dalka haystaa waa kuwaa doonayey in ragu ku madho kun iyo shan boqol oo doolar hadaba anigu waxaan rumaysanahay casaabadan dalka qabsatay inaanay wanaag ku tegeyn waxay ku tashadeen iney hantida umada sii boobaan labada sanadood dadkana isku diraan oo dhiig daato dabeeto iska yaacaan markaa waxa loo baahan yahay in si wada jira indhaha loogu hayo

Mujaahid Cali Cismaan Libaax (Mujaahid Cali Xaraaro)

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here