Shir ka qabsoomay miiska saraakiisha oo lagaga hadlaayey arimaha amniga

0
59

Shir ka qabsoomay miiska saraakiisha oo lagaga hadlaayey arimaha amniga

waxaa ka qabsoomay Xarunta Miiska Saraakiisha shirkii amniga, kaasoo ku saabsanaa adkaynta amniga guud ee Dalka, gaar ahaana amniga gudaha iyo xuduudaha Dalka, shirkan waxaa ka soo qaybgalay Taliyayaasha kala duwan ee Ciidamada Qalabka sida, Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga iyo Wasiir Kuxigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL, ahna kusimaha Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

 

Shirkan amniga ayaa waxaa kale oo lagu falaqaynayeyb u diyaar garowga xuska maalinta Qaran ee 18 ka May, taasoo si wayn loogu diyaar garoobayo shacab iyo Dowladdba, iyadoo la isla qaatay in la dardargeliyo wada shaqaynta lamaha amniga iyo Xoojinta amniga, iyadoo shacabka Jamhuuriyaddana ay markasta doorkooda ka qaataan ilaalinta Nabadgalyada iyo la shaqaynta Ciidamada kala duwan ee u taagan sugid nabadgelyada.