Shir Balaadhan Oo Kaalmo Loogu Ururinayay Dadka Abaaruhu Saameeeyeen Ayaa Ka Dhacay Magaalada Minnesota Ee Dalka Maraykanka+ Photos

0
655

Hargeysa(Halsan): -Kulan balaadhan ayaa ka dhacay magaalada Minnesota ee cariga Maraykanka todobaadkii la soo dhaafey.5-6 1-46 2-14 3-10 5-6

Kulankan ayaa waxaa lagu ururinayey deeq ku aadan abaaraha sida ba’an u naafeeyey dad iyo xoolaba ee ku habsadey dalka Soomaaliland.

Waxaa mahadnaq dheeraad ah mudan qabanqaabiyayaashii u guntadey hawshani inay u fusho una dhacdo si qurux badan.

Qabanqaabiyayaashaasi waxaa ka mid ahaa Maax Isaaq, Maxamuud Sheekh Cabdi, iyo Fawsi Mustafe.

Sidoo kale waxaa maxaa mahadnaq mudan dadkii xil-kaska ahaa ee sida la yaabka leh uga soo qayb galey si deeqsinimo lehna uga qayb qaatey bixinta deeqdaa loo ururinayey si looga qayb qaato waxtarka iyo kaalmeynta loo geysanayo dadka ay aabaaruhu saameeyen.

Waxaa halkaa khudbad waano iyo dhiirigalin ah ka soo jeediyey Sheekhu baladka woqooyiga Ameerika siiba gobolka Minneapolis sheekh Sacad Muuse, wuxuu Sheekhu aad uga sheekeeyey deeqsinimdu inay ku haboon tahay goobahan oo kale .