Sheeko Xiiso Leh: Bisad Hilib U Dhiibo W/Q: Kamal Sh Ismail

0
701

Shacabka Somaliland inta ku nool gudo iyo dibad ayaa ah dad dun ah oo jecel nabad, hormarka,

deganaanshiiyaha iyo xasiloonida dalkooda waxayna dhagahoodu neceb yihiin in ay maqlaan

colaad iyo isqabqabsi doorasho.

Olale iyo halgan adag oo uu soo galay xisbigii mucaaradka ahaan jiray ee kulmiye hatana ah

xisbul xaakimka kulmiye ee ay ka dhalatay xukuumadu, ayaa waxaa lagu xasuustaa markii uu ku

jiray olalaha siyaasadee in uu dadka hortooda ka akhriyi jiray buug cagaaran oo ay ku soo dhoob

dhoobeen waxayna hirgalinayn oo ay ku doonayeen oo kali ah kursiga in ay ku fadhiistaan

illahayna taa wuu ku guuleeyay. Laga soo bilaabo 2010 bishii todobad waxaa dalka gacanta ku

dhigay xisbul xaakimka kulmiye oo madaxweyne axmed siilanyo ahaa hogaamiyahoodii ruuxiga

ee kulmiye iyo saylici oo ahaa ku xigeenkiisa kuna guulaystay in ka badan 50%.

Raxlayn iyo kuclayn ka dib waxaa nafahoodii ku waayay dad badan oo magac laha waxaa lagu

naafeeyay qaar badan oo hadda jooga waxayna noqdeen abaal laawayaal aan loo baahnayn

markii la hantay kursiga.

Isma lihi ina rag in uu yahay wax ma tare waayo xukuumad kasta oo dalka soo martay waxbaa

lagu xasuustaa ha yaraato ama ha badnaato meel intay ka qaado ayay meel gaadhsiin jirtay

iyadoo ay jireen xukuumadihii hore duruufo adag oo haystay.

Xukumada axmed siilanyo markii uu qabsaday dalka waxaa uu dardar galiyay nidaam u eg

dawladnimo wuxuu inoo hagaajiyay qaar ka mid ah xafiisyada wasaaradaha iyo hay’adaha

dawliga ah wuxuu inoo balan qaaday in uu garsoorka iyo cadaalada uu kor u qaadayo taana wali

kama hayno oo cadaaladii in ay halkii ka sii hoos marto mooyaane kamay rayn inkastoo imika uu

jiro isbadal oo dhawaan la magacaabay nin dhalin yaro ah oo loo hanweyn yahay waa haddii laga

daayo faro galinta.

Haddan dib ugu noqdo cinwaan kayga Nin boqor ah ayaa lahaan jiray digaad faro badan oo lagu

qiyaasay 300 oo midh oo uu ku dhaqo qasriga uu ku noolaa.

Waxaanu uu ugu talo galay dhaqashada digaaga si uu beedkooda uga faa’idaysto badhna adeega

digaaga uu ugu daryeelo badhna masaariif uu ugu dhigto, wuxuuna beedkooda u iib gayn jiray

dalalka jaarka ay yihiin, Ninkii boqorka ahaa ayaa dadkii deegaanku ay ugu magac dareen

“Boqorkii Digaaga”.

Waxaa dhacday in digaagii boqorku ay soo dhaafeen qasrigii ayna soo galeen faras magaalihii

ama suuqii dadwaynaha, waxaana cabasho balaadhan ka muujiyay dadkii ku ganacsan jiray

suuqa oo khaati ka istaagay saxaradii digaaga.

Waxaaana boqorkii u tagay guddi ganacsato ah oo boqorka kala hadlaysa SAXARADA digaaga,

guddi ka kooban niman masuuliyiin ah ayaa u tagay boqorkii waxayn ku yidhaahdeen “ Mudane

Boqor waxaanu kaa codsanaynaa in digaagii ay soo dhaafeen halkaad ugu talo gashay oo ahayd

qasriga waxayna hadda naga kharibeen goobihii aanu ku ganacsan jirnay oo nadaafad daro nagu

soo kordhiyeen oo meel walba saxaro ay ka buux dhaafiyeen, markaa waxaanu ku leenahay

halkooda kusoo dabaal digaagan’

Boqorkii ayaa yidhi “waan ka xumahay in ay sidaa yeelaan digaagaygu waxaad keentaan talo

aan ku ilaaliyo oo ayna idinkana idiin dhibin bilicdana ayna waxba u yeelin”

Waxay ku yidhaahdeen “boqoraw waxaad samaysaa Bisad kuu ilaalisa digaaga ayaanu sariimada

kaaga soo qaban oo waliba aamin ah”

Boqorkiin arintii ayuu la qaatay oo yidhi waa talo fiican ee ii soo qabta BISAD aamin ah oo

ilaalisa digaagayga sidaa ayuu ku qaatay taladii gudidii u timid.

Guddidii waxay boqorkii u keeneen bisad u ilaalisa digaaga sidii ayuu kaga gudoomay oo basadii

loo qabtay xaflad xil-wareejin ah oo ka dhacday qasrigiisii.

Waxaa maalintii labaad shaqadii si rasmi ah u bilaabay BISADII loo keenay boqorka waxayna

maalintii markay cadceedu dhacday la tiriyay digaagii waxaa maqan xabad digagad ah, waxaa

aroortii iyo galabtii la samayn jiray in la tiriyo digaaga in uu dhamaytaran yahay in kale.

Cajiib bisadii aaminka ahayd ee loo keenay boqorka waxay samaysaa maalin walba oo cadceedu

dhacdaba waxay cuntaa midh digaagad ah waxayna digaagii ku dhamaysay siday maalinba

xabad u cunaysay.

Waxaa faro madhnaan soo istaagay “BOQORKII DIGAAGA” wuxuu halkaa ka bilaabay

calaacal aan dhamaad lahayn “anay ii keeneen bisad tuugad ah oo aan waxba hanbaynayn.

Tulaaay yaa reer hebalaay” ayuu bilaabay boqorkii oo wuxuu yidhi qasrigii ayaa la igu haystaa

oo la rabaa in la iga saaro inta digaagaygiina loo samaystay BISAD cunta.

Guntii iyo gabo gabadii dulucda sheekadu waxaan filayaa waad fahanteen umana baahna

fasiraad intaa kasii badan waxaana xoolahaaga loo dhiibtaa cid aad kala xisaabtami karto oo ah

qof daacad iyo karti leh oo aan marnaba kaa masuugayn waxaaga.

Haddii kale waxaad noqonaysaa sidaa boqorkaa bisada digaaga u dirsaday ee maalinba siday

xabad u liqaysay ka dhamaysay sheekaduna waa “BISAD HILIB U DHIIBO”

W/Q: Kamal Sh Ismail

Email: Shihaab25@hotmail.Com

Hargaysa/Somaliland