SHEEKH ADAN SIIRO OO KA HADLAY HESHIISKII XISBIYADA IYO KHILAAFKA KULMIYE

0
650

Hargeysa(Halsan)- Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud (Aadan Siiro), oo ka mid ah culimada waa weyn ee dalka ayaa ku taliyay in la hirgaliyo heshiiskii saddexda xisbi iyo xukumaddu wada gaadheen bishii May ee in doorashooyinka la qabto badhtamaha December 2016.
Sheekha oo Salaaddii Ciidal Fidriga shacabka hadal u jeediyay ayaa sheegay in khilaafaadka oo la dhammeeyaa yihiin maslaxadda umadda “Waxaan maanta ka hadlayaa laba arrimood. Mid waxa weeye heshiiskii Xisbiyada iyo Xukumadda, heshiiskii saddexda xisbi gaadheen haddaanu culimada nahay waxaanu ku talinaynaa in la sharciyeeyo oo guurtiduna sharciyayso maadaama saddexda xisbi iyo xukumaddu isla gaadheen. Waxaanu guurtida Jamhuuriyadda Somaliland ugu baaqaynaa heshiiska in la sharciyeeyo, waxaanu leenahay si aan khilaafku u sii fogaannin sharciyeyaaya, dawladdu ha idin la sharciyeyso, asxaabtuna ha idinla sharciyeyso, umadduna ha idinla aragto,idinka ayaa xaq u leh laakiin waxaynu ku heshiinno ayaa sharci ah” ayuu yidhi Sheekh Aadan Siiro.
Waxa uu sidoo kale Sheekhu farriin u diray siyaasiyiinta ku loolamaya Kulmiye, “Khilaafka Kulmiye waa dawladdii oo dhib buu inagu keenayaa hadduu sii fogaado. Waxaanu iyagana ugu baaqaynaa, waar waxaad tihiin xisbigii dawladda hogaaminayay, khilaaf umaddani uma baahna. Dadka ragga tartamayaana si caqli, xikmad iyo danayn loo danaynayo dadka iyo dalka aynu yab-yabnay ku jirto ha u tartamaan. Khilaafkiina Adeer si sharci ah u dhammaysta oo reeraha ha ku wareerinina khilaafkiinna, oo carruurta iyo dhalinyarada ha ku wareerinina oo ha kala shir-shirinina barakallaahu fiikum, waxaad ugu kala baxdaan qaabka sharciga ah. Walaalayaal nabad galyada aan ilaashanno” ayuu yidhi Sheekhu.
Sheekhu waxa uu bulshada ugu baaqay in la ilaaliyo nabadgalyada ay hadhsanayaan dadka tirada badan ee danyarta ah. Waxa uu sheegay in waddamadii islaamka sida Suuriya, Ciraaq,Yemen iyo meelo kale ay aafeeyeen nabadgalyo darro halka, haatan dabka loo shiday Masar, Sucuudiga iyo Meelo Kale, sidaas darteed loo baahan yahay in lagu faro adaygo amaanka,
HALSAN MEDIA
HARGEISA
SOURCE-WAJAALE

SH-aadansiiro-80x106SH-aadansiiro-80x106SH-aadansiiro-80x106

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here