Shaqo Qaran (National Service) Iyo Dheefta Ku Jirta by Rashiid Odowaa

0
1493

 

Shaqo Qaran (National Service) Iyo Dheefta Ku Jirta

Maaha sida dadbadani Fasirteen Howl ay lahayd Dowladdii Xukuumaddii Somalia ee Hore ee uu ka Talinayay Siyad barre ama waddamo Shuuci ah, ahase ahaatee waa tababar Heer Caalami ah,ardayda jaamacadda ee ka bilaabma 18 sano ay galaan  si ay ugu diyaar garobaan shaqo ama ha ahaato Difaaca dalkoda ama howlo shaqo oo qarankooda iyo naftoodaba ha noqote e, dalalka qaarkood waa khasab in la galaa, halka qaar kalena ay ka tahay Ikhtiyaar iyo dhiirrigelin.

Markii ugu horraysay waxa bilaabay mashruuca shaqo Qaran Romanka qarnigii 5aad,Dunidan casriga ah waxa cusboonaysiiyay waddamada Ingriiska iyo Maraykanka 1939kii.

Ka dib dhalintu tabo barkaas


waxay fulin karaan howlo Taburucaad ah oo ay ka fuliyaan hadba meeshii loo diro ama wadanka ha noqoto ama dibadiisaba Tusaale ahaan wadankeenna waxa yimid sanadihii 1960s kooxo dhakhaatiir Shaqo qaran ah oo USA ah waxana la odhan jiray Peace Corps ama American Corps.waxayna Fulin jireen howlo gargaar caafimaad oo tabaruc ah.

Faaiidooyinka ku jira waxa ka mid ah;-

1-Waxay fulin karaan Howlo samo fal ama Gurmad masiibooyinka dabiiciga ah haddii ay dhacaan sida Fatahaadaha daadadka,gubashooyinka, abaaraha IWM oo ay fidin karaan Gurmad.

2-Waxay kayd iyo xoog u noqon karaan Difaaca qaranka maadama ay qaab Ciidan u tabo baranyihiin.

3-Waxay dhalintu kaga mashquuli karaan suuq joogga waxayna gaashaan uga noqon kartaa balwadaha Xun xun,oo masiibo ku ah dhlinta yar yar.

4-Waxa qofku ku dhisi karaa jidhkiisa  oo wuxu soo bixi karaa isagoo dhisan jidh ahaan iyo maskax ahaan,karti iyo xoog u leh inuu qaban karo Howlo ad adag.

5-waxa qofku ku baran karaa samirka iyo adkaysiga oo runtii ah arrin lagama maarmaan u ah qofka oo uu kaga bixi karo Duruufaha ka hor yimaadda.

6-Waxay sare u qaadaysaa is dhexgalka dhalinyarada iyo saxiibtinimada, waxayna Simaysaa hab (Uniformity) ah oo lagu sinnaan karo Mid reerkoodu iska ladanyahay iyo mid dhaqaalihiisu hooseeyoba,waxa kaloo yaraan kara Qabyaaladda.

7-Waxay noqon karaan warshad ama ilaha ay ka soo baxaan dadka labeenta ah ee mansabyada sare qaban kara ama madaxda barri.

8-Waxa uu qofku ku baran karaa waddaniyadda oo aad runtii muhiim ugu ah inuu qofku waxbarshadiisa ama wakhtigiisa qayb siiyo.

9-Waxay fulinkaraan mashaariic dhismayaal,Beero,IWM waxayna hoos u dhigi kartaa shaqo yaraanta.

Haddaan intaas ku soo kobo faaiidooyinka ku jira oo faro badan waxan odhan lahaa Hambalyo Hambalyo .dhalinta ku guulaysatay   dadaalka halkaas ka sii wada.

Wa billaahi Towfiiq

Rashiid Odowaa

Khadarsalaan@gmail.com

063-4101213

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here