Shacabka Somaliland Dhoohanaanta & Damiir Xumada Haka dhiidhiyaan Habartan & Moorgan…..

0
579

Shacabka Somaliland Dhoohanaanta & Damiir Xumada Haka dhiidhiyaan
Habartan & Moorgan & Xirsi & Odeygan Maqaar Saarka ee Dhalin & Waayeel
& Dhulkiiba is Raacshay ee Badhna Jeelka U Dirayaa, Badhna Doolarka Siistay.
Siilaanyo, Beri Hore ayaa Talo & Tilmaan ugu Dambaysay, oo Waa Taa Dhakhtar Debadeed Loo
Cararay, ee Intii Reerka ahayd Mooyee, Xiitaa Wasiirkii Arimaha Dibada Laga Rabay, ee Islaanta
Iimaanku Kursiga & Lacagta Ka Raacay Isku Qancisay, Yaan La Ogaan Odeygu Inuu Xanuun & Da,
Isku Raaceen, oo Wasiir Xirsi, Xoghayihiisa, Moorgan, & Muniir oo Weriyhaha Raacay ah oo In Isku
Reer ah oo Sirta Odeyga aan Kashifi Karin Wuxuu Dhakhtarku Ku Sheego, Si ay Islaantu Kursiga Ugu
Sii Negaato oo Xoolaha Danyarta ay Xaaraan Ku Gurtaan.
Laakiin Ilaahay Ayaaba Kashifay Odeyga oo Ishaa Macalin ah Inaanu Waxba Gacanta Ku Hayn ee ay
Islaanta, Moorgan & Xirsi & Samsam Gacanta Ku Hayaan Wadanka, oo Airportka Siduu ahaa Markuu
Ka Baxayey & Maalintii Ciidii Labada Waa La Arkayey Inuu Odeygu Liito, Horana Waa Loo Ogaa.
Sidaas Darteed, Shicibka Somaliland Damiirkoodu Ha Shaqeeyo, oo Islaanta & Moorgan & Xirsi & Inta
Laaluush Qaatayaalka ah ee Wadankii Baabi,iyey, ee Madax Dhaqameedkii & Fanaaniintii oo wax Demb-
iya oo ay Galeen Jirin Jeelka Ku Guray, oo Weliba Fanaaniintii Loo Diiday Raashinkii, Maxaa Kolkaa Hadhay
ee La Sugayaa.
Waayo, Kol Hadii Dhalintii, Qaar Xabad Lala Dhacay, Qaarna aad Yar Jeelasha La Iska Gurayo, oo Kooxdan
axshootooyinka, ee Wax Iskuma Falooyinka, ee Cabsi Ilaahay & Kitaabkii Ka Baydhay, ee Umada Ku Tacadiyaya
oo Xaqii Bani,aadamka ee Ilaahay Karaameeyey Ka Qaaday Sharaftii, ee Intay Doonaan Jeelka Ku Haysta Marka
ay Siday Doonaan u Cabiidsadaan ee ay ugu Xayaan Xadhiga Marka Dambe, Si Islaanimada & Bani,aadnimada
Ka Baxsan ay Qofkii Ku Bahdilaan, Waa Lagu Cafiyey.
Shicibka Somaliland Intii Damiirkoodu Sida Saxa u Shaqaynayaa, Haka Dhiidhiyaan, oo Haka Mudaharaadaan
Fanaaniintaa Xidigaha Geeska ee xaqdarada & Kibirka Lagu Xidhay & Madax Dhaqameedka Sharaftoodii Laga
Xayuubiyey,.
Kooxdan Wadanka Xaqdarada Ku Haysta, Waxay Xadhigaasi uga Dan Leeyihiin, Waa Qiiq Isku Qarin Hantida
Umada ay Boobayaan Halaydin Kaga Mashquulo, oo Haamihii & Dekedkii & Wadankii Booba Shicibkuna Haku
Jeesto Dad Baa La Xidhay.
Wabilaahi tawfiiq

Asha Jama
ashaa.j@live.nl